Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan Sugidda Amniga Mudug oo Gaalkacyo lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1756803161540.jpg?resize=1000%2C6

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade, oo uu wehelinayo Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka, Mudane Maxamed Xasan Xuseen Wallore, ayaa maantashir-guddoomiyay kulanka amniga gobolka Mudug.

Shirka oo ka dhacay xafiiska maamulka gobolka ayaa waxaa si buuxda uga soo qayb galay dhammaan xubnaha Guddiga Amniga gobolka, oo ka kooban saraakiisha ciidamada kala duwan, maamulka heer degmo iyo gobol, iyo masuuliyiin kale. Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa amniga gobolka, iyo sidii la isku waafajin lahaa qorshayaasha wadajirka ah, sidoo kale in la dardar-geliyo wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade ayaa shir-guddoonka ka jeediyay baahida loo qabo sugidda nabadda, xoojinta wadajirka bulshada iyo ciidamada, iyo la-dagaallanka falalka amni-darrada. Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Maxamed Xasan Wallore ayaa ku booriyay xubnaha guddiga in ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada si looga hortago wax kasta oo carqaladeeya xasilloonida gobolka.

Ugu dambeyn shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay go’aamo iyo qorshayaal la taaban karo oo lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo wada-jir dhameystiran oo u dhexeeya maamulka, ciidamada iyo bulshada gobolka Mudug.

PUNTLAND POST

The post Shir ku saabsan Sugidda Amniga Mudug oo Gaalkacyo lagu qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this