Sign in to follow this  
Deeq A.

Senetar laga soo doorto Puntland oo maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xubin ka tirsan Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1756812673612.jpg?resize=1000%2C7

Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka koowaad kalfadhiga todobaad Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Ugu horrayn kulanka ayaa lagu dhaariyay Sanatar Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) oo dhowaan Golaha wakiillada Puntland ay u doorteen in uu ka mid noqdo Sanatarrada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo uu dhaariyay Sanatar Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle.

Intaasi ka ka dib xubnaha Guddiga Joogtada Aqalka Sare ayaa ka dooday diyaarinta iyo jadwalaynta qorshe howleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare ee kalfadhiga todobaad, iyagoo soo jeediyay talooyin muhiim u ah dardar gelinta hannaanka shaqo ee waajib gudashada Guddiyada iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiye Cali Shacbaan oo kulanka soo xiray ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada Aqalka Sare in ay dardar geliyaan howlaha shaqo ee Guddiyada una diyaar garoobaan waajib ka gudashada shuruucda muhiimka u ah ee golaha horyaala.

PUNTLAND POST

The post Senetar laga soo doorto Puntland oo maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xubin ka tirsan Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this