Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada difaaca Puntland oo maanta Daacish ka qabsaday Taliskii Al-Barako ee togga Baallade

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1756832187490.jpg?resize=1000%2C6

Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo maanta hawlgal xooggan ka sameeyay togga Baallade (Calmiskaad) ayaa mileeshiyaadka Daacish ka saaray ceelka Al-Barako oo dhaca toggaasi, halkaasi oo ay ku dileen dagaallamayaal ka tirsan kooxdaasi.

Bayaan ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay Warkan, kaddib dagaal culus oo tan iyo saaka ka socday ceelka Al-Barako oo ay difaacyo adag ka samaysteen argagixisadu, halkaasi oo ciidamada difaaca Puntland ugu danbayn si buuxda ugu jebiyeen mileeshiyaadkii kooxdaasi.

“Ciidanku waxay Firxadka Argagixisada Daacish ka saareen Ceelka Albaraka ee Togga Baallade, waxaa la dilay qaar ka mid ah firxadka Iyadoo hadana weli dagaalku socdo oo laga sifeynayo godadka ay ku hareen. Calmiskaad” ayuu u qornaa warkan ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad.

Dhinaca kale, saraakiisha ciidamada difaaca Puntland oo aan xiriir la samaynay ayaa xaqiijiyay in ay hawlgalkaasi ku dileen in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan firxadkii Daacish, halka uu sidoo kale jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacyo kooban oo soo gaaray ciidamada.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada difaaca Puntland oo maanta Daacish ka qabsaday Taliskii Al-Barako ee togga Baallade appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this