Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay cabsida soo food-saartay qaxootiga Ingiriiska jooga ee Soomaalidu ku jirto

Recommended Posts

Deeq A.   

f67c8ce0-874b-11f0-b391-6936825093bd.jpg
Iyadoo xiisadaha ka dhanka ah dadka muhaajirinta ah ay sare u kaceen guud ahaan Britian ayaa qaxootiga gobolka Wiltshire ee galbeedka Ingiriisku waxay sheegeen inay aad uga baqayaan inay ka baxaan guryahooda.

Maxamed waxa uu dalka UK yimid 2021-kii, isaga oo ka soo qaxay dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Suudaan. Hadda waxa uu haystaa aqoonsi qaxootinimo waxana uu u shaqeeyaa sidii maamule – laakiin waxa uu sheegay in isaga iyo qaxoontiga kale aanay ka tagin guryahoodii Swindon marka ay shaqada ka soo laabtaan sababta oo ah waxa ay “ka baqayaan” in “la beegsado” ama “lagu garaaco”.

Dashi, oo UK timid gabar caruusad oo caruur ah , oo 13 jir ah, kana timid Soomaaliya, ayaa ku baaqday waxbarasho dheeri ah in la siiyo dadweynaha si ay “si bulshooyinka layasagu soo dhaweeyo”.

Hogaamiyaha golaha deegaanka Swindon, Jim Robbins, ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo in laga doodo socdaalka balse uu dadka ka niyad jabiyay in ay mudaaharaad ka dhigaan meel ka baxsan huteel magangalyo oo magaalada ah.

Mudaaharaadyada ka dhanka ah muhaajiriinta ee bannaanka hoteellada laga dhigayo ay deggan yihiin ayaa ku fiday dalka oo dhan tan iyo markii ay mowjado mudaaharaad ah ka dhaceen Hotel The Bell ee Epping, Essex.

Swindon waxa ay hore u lahayd saddex hotel oo ay degenaayeen magangalyo-doon laakiin hadda waxa jira hal kaliya, kaas oo ay ku nool yihiin in ka yar 100 qof.

Hogaamiyaha Golaha Deegaanka Swindon, Jim Robbins, ayaa soo saaray bayaan uu kaga codsanayo dadka degan Swindon in aysan ku mudaaharaadin banaanka hoteelada dadka magan galyadoonka la dajiyey.

Waxa uu yiri: “Tani ma ah inaan rabno inaan joojino ka hadalka arinta muhaajiriinta , laakiin inta badan magangalyo-doonka magaalada waa qoysas mana rabno inaan aragno caruur horey uga soo qaxay xaalado cabsi iyo khatar ah oo dibadda ah si ay u dareemaan cabsi gudaha guryahooda Swindon sidoo kale.”

Mr Robbins ayaa sheegay in xildhibaanadu “ay fahmeen xoogga dareenka arrintan leedahay”.

Laakiin waxa uu kula taliyay dibad baxayaasha in ay “bartilmaameedsadaan dadka wax samayn kara”.

Waxa uu yidhi: “Waxa jirta dood adag oo ah in aanay arrintani ahayn mid dawladda hoose uun khusaysa, laakiin waxa aanu ka door bidi lahayn in dadku ku mudaharaado bannaanka dhismayaasha dawladda hoose ee jidka Euclid halkii ay ka baxsan lahaayeen hudheel ay carruurtu ku nool yihiin.”

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this