Sign in to follow this  
Deeq A.

Suurtagal ma tahay in Shiinuhu uu weeraro dalkaan ay Somaliland xiriirka leeyihiin?

Recommended Posts

Deeq A.   

744866b3-c47e-4956-851d-4889d8fb5ba0.jpg

Waxa ay ahayd subax kale oo Jimco ah, jasiiradda Taiwan ee Kinmen, oo dhawr kiilo mitir u jirta xeebta Shiinaha, markii seedhiga uu yeedhay.

Dad ku sugnaa xafiiska dawladda hoose oo halkaasi ku yaalla, ayaa dad badan waxa ay damiyeen nalka iyo iyaga oo ku dhuuntaymiisaska hoostooda. Kuwo kalena waxay u carareen meel baabuurta la dhigto oo dhulka hoostiisa ah. Cisbitaal u dhow aaggaasi, shaqaaluhu waxay u yaaceen si ay u caawiyaaan dad ay dhaawacyo soo gaadheen.

Laakiin dhiiggu wuxuu ahaa mid been abuur ah, dhaawacyaduna waxay ahaayeen kuwo ay jilayaal matalayaan. Shaqaalaha dawladda ayaa ka qayb qaadanaya dhoollatusyada millatari oo qasab ah oo la xidhiidha difaaca madaniga ah oo lagu qabtay guud ahaan Taiwan, bishii hore.

Ujeedada ayaa u muuqata jawaab celin ay ka bixinayaan weerarka suurtagalka ah ee Shiinaha.

Shiinaha ayaa in muddo ah wacad ku marayay in uu “dib ula midoobi doono” Taiwan oo hadda iskeed isku maamusha, isaga oo aan meesha ka saarin in awood loo adeegsan karo. Waa khatar sii kordhaysa oo ay Taiwan u aragto mid halis ah. Madaxweyne William Lai, oo xilka la wareegay sannadkii hore, ayaa qayb ka noqday mid ka mid ah dadaalladii ugu xoogganaa ee sannadihii la soo dhaafay la qabtay oo looga go lahaa in lagu xoojiyo difaaca.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this