Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii golaha wasiirada iyo waxyaabahii lagaga wada hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

๐–๐€๐‘ ๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Fadhigii 32-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 32-aad waxa ka mid ahaa:

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab.

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š, ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.

๐Ÿ‘. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac oo uu u wakiishay Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaaraha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi.

๐Ÿ’. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐š๐ก๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š

Waxa ka war bixiyey Wasiirk-ku-xigeenka Mudane Axmed Cumar X. Cabdilaahi.

๐Ÿ“. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐Š๐จ๐ซ๐จ๐ง๐ญ๐จ ๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฆ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ž๐ซ๐›๐ž๐ซ๐š.

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Axmed Jaamac Barre

๐Ÿ”. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐š๐ก๐š๐š๐ง ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ง๐จ ๐ค๐š ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐œ๐š๐ฒ ๐ช๐š๐ฒ๐›๐จ ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ :

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi.

๐Ÿ•. ๐Š๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐›๐ข๐ซ๐š๐ก๐š (๐’๐œ๐ซ๐š๐ฉ-๐ค๐š) ๐ž๐ž ๐‚๐š๐ฅ๐š๐š๐ฆ๐š๐๐š๐ก๐š ๐–๐š๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐š๐š๐๐ข๐ข๐๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab)

๐Ÿ–. ๐ƒ๐จ๐จ๐๐๐š ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ-๐ ๐š๐ซ๐š๐›๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฅ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ (๐๐ฎ๐›๐ฅ๐ข๐œ ๐๐ซ๐ข๐ฏ๐š๐ญ๐ž ๐๐š๐ซ๐ญ๐ง๐ž๐ซ๐ฌ๐ก๐ข๐ฉ ๐๐๐):

Waxa si qoto dheer uga dooday Golaha Wasiirrada ee Jamhuuriyadda Somaliland waxana Ansixinta Xeerka Goluhu uu u ballamay fadhiga dambe.

Gababadii Fadhigii 32-aad ee Shirka Golaha Wasiirada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bogaadiyey 3 Wasaaradood oo maanta soo gudbiyey wax-qabadkoodii 6-dii bilood ee ina dhaafay, kuwaasi oo kala ah:

1. Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska,
2. Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka,
3. Wasaaradda Dib-u-Dejinta iyo Arrimaha Biniโ€™aadannimada.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this