Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee toogasho ka dhacday dugsi ku yaalla Minneapolis

Recommended Posts

Deeq A.   

ddddcfb0-83c6-11f0-a34f-318be3fb0481.jpg

FBI-da Maraykanka oo ayaa baadhaysa toogasho ka dhacday iskuul ku yaalla Minneapolis oo ay ku dhinteen 2 caruur ah, 17 kalena ay ku dhaawacmeen. Waa dhacdo lagu tilmaamay dambi nacayb ka dhan ah Catholic-ga, sida ay sheegtay FBI-du.

“FBI-du waxay u baadhaysaa toogashadan oo ah fal argagixisanimo gudaha ah iyo dembi nacayb oo ka dhan ah Catholic-ga,” ayaa uu yidhi Agaasimaha FBI-da Kash Patel oo qoraal uu soo dhigay barta X.

Labada carruurta ah ee dhintay ayaa da’doodu kala ahayd 8 iyo 10 jir, waxaanay geeriyoodeen markii uu ninka weerarka soo qaaday uu rasaas kaga furay daaqadaha Kaniisad ku taalla magaaladaasi, Subaxnimadii Arbacada xilli ay carruurtu dabaaldegyo samaynayeen.

Ninka weerarka geystay oo ku dhintay isla goobta ayaa sheegaya in uu is dilay, ayaa mar dambe booliisku waxay magaciisa ku sheegeen Robin Westman oo 23 jir ah.

Baadari Leo XIV, oo ah baadarigii ugu horeeyay ee Maraykan ah ayaa ka mid ahaa dadka tacsida u diray eheellada dadkii dhacdadaasi ku waxyeeloobay, isagoo sheegay in uu aad uga xun yahay weerarka dhacay.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this