Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qayb-gashay Mareykanka iyo qorshe socda

Recommended Posts

Deeq A.   
GzSgij0XgAA8vNN.webp

Houston (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shir caalami ah oo muhiim ah uga qayb-gashay magaalada Houston ee Mareykanka, waxaana tegay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka batrolka iyo macdanta XFS, Daahir Shire Maxamed.

Wasiirka ayaa madasha ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo uu uga hadlay fursadaha muhiimka ah ee xilligan ka jira dalka, ee ay ka faa’ideysan karaan maalgashadayaasha.

Sidoo kale waxa uu inta uu shirka socday kulamo gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin sar sare iyo madaxda shirkadaha Mareykanka ee ka shaqeeya tamarta iyo shidaalka, wuxuuna kala hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo maalgashiga ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Daahir Shire oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in madaxda iyo ganacsatada uu la kulmay uu la wadaagay fursadaha dhanka shidaalka iyo gaaska ee ka jira Soomaaliya, maadaama la’isku diyaarinayo in la qado, lana soo saaro shidaaka dabiiciga ee dhex ceegaaga dalka.

“Waxa sharaf ii ah inaan hoggaamiyo wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qeybgalaya Shirka Caalamiga ah ee Cilmiga Dhulka iyo Tamarta ee sanadkan ka dhacaya magaalada Houston ee Mareykanka, si aan ula wadaagno dhammaan ganacsatada caalamka fursadaha dhanka shidaalka iyo gaaska ee dalkeenna Soomaaliya” ayuu qoraalka ku yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in mas’uuliyiinta uu la kulmay ay  isla garteen muhiimada ay leedahay in la helo iskaashi iyo taageero farsamo oo dheeraad ah si loo xaqiijiyo horumar waara oo labada dhinac ah.

“Dhammaan saaxiibada aan la kulannay waxaan kala hadalnay in dalkeenna u furan yahay maalgashiga, ayna naga go’an tahay hufnaanta si aan u soo jiidanno maalgashadayaasha, taasi oo fursad weyn u abuuri karta dhammaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay.

Wasiirka batrolka ayaa ugu dambeyn sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’am tahay in mudnaan ay siiso arrimaha hortabinta u leh dalka, si looga faa’iideysato fursadaha muhiimka ah ee ku aadan kobicinta dhaqaalaha iyo horuminta adeegyada muhiimka ah.

Soomaaliya ayaa haatan waxaa hortaalla fursad dahabi ah, maadaama ay isku diyaarineyso ka faa’iideysato khayraadka dabiiciga ah ee uu Alle ku maneystay, waxaana hadda la guda galay shidaalka oo uu dhawaan sahmin rami ah ku sameeyay Turkiga.
GzSgij0XgAA8vNN.webp GzSgij5XAAAQPHD.webp GzSgijxXQAAh4u3.webp GzSgijwWQAAwTh3.webp GzP4k2mXsAIP1CU.webp GzP4k2nWoAAsoRW.webp GzP4k2vWAAAKWBq.webp GzP4k2yXkAAdKxq.webp GzVDJTaXsAAoouB.webp GzVDJTCXkAAXQ4r.webp GzVDJS4WEAA8n9E.webp

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this