Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo weerar culus ku qaaday Masar, farriin cad u dirtay ciidanka ay keenayso Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
Dedefo.webp

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Suleymaan Dedefo oo wareysi gaar ah Telefishinka Universal ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Masar ee dhawaan la keenayo gudaha dalka.

Suleymaan Dedefo ayaa marka hore weerar culus ku qaaday dowladda Masar oo ay isku hayaan wabiga Nile, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka tari doonin xaaladda Soomaaliya.

Danjiraha ayaa tilmaamay in Itoobiya aysan wax cabsi ah ka qabin haddii la keeno ciidanka Masar, wuxuuna diray farriin cad oo uu ku sheegay inay awood u leeyihiin inay is difaacaan goor kasta.

“Annagu ma nihin kuwa cabsi qaba ama dareemaya khatar, waana awoodnaa inaan is difaacno,” ayuu wareysiga ku yiri Danjire Suleyman Dedefo.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya ayaa intaasi kusii daray in Dowladda Soomaaliya ay xaq u leedahay in dal kasta oo ay saaxiib la tahay ciidamadoodu yimaadaan Soomaaliya, balse waxa uu duray Masar, isaga oo carrabka ku goday in ciidamadeeda aanay wax faa’iido u yeelan doonin xaaladda amni ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ognahay in Masar aysan wax taageero ah ka geysan doonin xasilinta caqabadaha amni ee Soomaaliya. Suudaan waa dal daris la ah Masar, haddana kama aysan helin wax kaalmo ah. Libya sidoo kale waa daris, iyaduna kama aysan helin caawimaad. Ciidanka Masar ma laha taariikh muuqata oo nabad-ilaalin caalami ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay Masar si rasmi ah usoo geba-gabeysay tababarkii ugu horreeyay ee ciidanka usoo direyso gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku biiraya howl-galka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM).

Ciidanka lasoo dirao ayaa qaatay tababar heer sare ah oo la xiriira ilaalinta nabadda, iskaashiga caalamiga ah iyo la-qabsiga xaaladaha adag ee gudaha Soomaaliya. Xarunta Qaahira ee Nabadda, Halganka iyo Tababarka (CCCPA) ayaa soo xirtay tababarkan oo si wadajir ah u maamulayeen CCCPA iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Masar, iyadoo taageero muuqata ka geystay dowladda Japan oo bixisay gargaar dhaqaale iyo farsamo.

Si kastaba, howl-galka AUSSOM oo haatan dalka ka bilowday ayaa lagu qiimeyn doonnaa waxyaabaha uu kusoo kordhiyo Soomaaliya, maadaama dalal cusub lagu soo kordhiyay, halka askarta howl-galkaan qeybta ka ah ay si toos ah ula howl-gali doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this