Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan Amniga iyo La-dagaallanka Argagixisada oo maanta Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1756126326365.jpg?resize=1000%2C6

Magaalada Boosaaso, waxaa maanta ka qabsoomay Shir ku saabsan la-dagaallanka Argagixisada, Adkeynta Amniga iyo Joojinta degaameysiga cusub oo marar kala duwan sababay isku dhacyo hubaysan.

Shirkan oo ay qabteen mas’uuliyiinta gobolka Bari iyo saraakiisha ciidamada Boosaaso ayaa waxaa goobjoog aha xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland , wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka,  odayaasha  dhaqanka iyo cuqaasha degaannada gobolka Bari.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay go’aano dowladdu ku joojisay degaamaynta cusub, kuwaasi odayaasha iyo cuqaasha laga codsaday in ay qeyb ka noqdaan dhaqan-gelinta go’aannadaasi, si loo joojiyo degaamaynta aan sharciga ahayn oo abuurta isku dhacyo hubaysan oo halis ku ah  amniga iyo xasiloonida bulshada.

Odayaasha, cuqaasha iyo nabadoonadii ka qeyb galay Shirkan ayaa sidoo kale ballan-qaaday in ay dowladda kala shaqaynayaan hirgelinta go’aannadii soo baxay ee ku saabsanaa joojinta degaamaynta cusub, waxaana ay sheegeen in ay degaannada fog gaarsiinayaan wacyi-gelintaasi.

PUNTLAND POST

The post Shir ku saabsan Amniga iyo La-dagaallanka Argagixisada oo maanta Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this