Sign in to follow this  
Maaddeey

Dagaal ka qarxay nawaaxiga Beledweyn cabsi laga qabo in XI ka baxaan B/W

Recommended Posts

Maaddeey   

Dagaalo xoogan oo Saakay ka qarxay nawaaxiga magaalada Baladweyne.

 

Baladweyne: (Sh.M.Network) Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya oo garab ka heleya kuwa Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljmaaaca iyo Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ayaa Saakay waxa ay ka qarxeen nawaaxiga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan dagaalo culus ayaa goordhow waxa ay ka qarxeen deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 10-KM u jira magaalada Baladweyne.

 

Dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocydadiisa kala gadisan iyadoo dhawaqa rasaasta si weyn looga maqlayo xaafada ku dhow dhow degmada Baladweyne.

 

Lama oga ilaa iyo iminka qasaraaha dhabta ah ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo waliba dadka rayidka ah maadama dagaalka uu iminka yahay mid si xoogan u socda.

 

Saraakiil katirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay la wareegeen gacan ku heynta Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne.

 

Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee dagaalka Saakay la galay Ciidamada Ururka Xisbul Islaam laguna magaacabo Axmed Inji oo goordhow la hadlay Idaacada Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dagaalka ay kaligood qaadeen islamarkaana aysan dagaalka qeyb ka aheyn Ciidamada Ahlu Sunna.

 

Waxa uu sheegay Sarkaalkaasi in qasaaro ay u geysteen Ciidamadii ay dagaalka la galeen ee Xisbul Islaam isagoo tilmaamay in sababta ay weerarka u qaadeen ay tahay in ay xooreeyaan dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan sida uu hadalka u dhigay.

 

Intaasi kadib ayaa Idaacada Shabelle waxa ay xiriiro kala duwan la samaysay Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam ee dagaalka Saakay la galay Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya, waxaana ay ka gaabsadeen in ay wax faah faahin dhankooda ka bixiyaan dagaaladaasi.

 

Dagaalada Saakay ka qarxay nawaaxiga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sababeen in ay ka barakacaan dadkii ku dhaqnaa halka ay dagaaladu ka bilowdeen kuwaasi oo qaarkood horay uga barakacay fatahaad Webiga Shabelle uu halkaasi ka geystay.

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this