Deeq A. Posted 5 hours ago Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan abaabul ciidan oo xoog leh. Abaabulkan ayaa lagu xoojinaya howl-gallada lagu doonayo in dib looga saaro kooxda Al-Shabaab deegaannada ay weli gacanta ku hayaan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan. Howl-galkan ayaa lagu sheegay mid ka duwan kuwii hore, iyadoo qorshuhu yahay in deegaannada la qabsado lagu wareejiyo ciidamo boolis ah oo Dowladda Federaalka iyo maamulka HirShabelle si wadajir ah u diyaarinayaan. Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa dhisaya saldhigyo ku yaalla duleedka magaalooyinka, si ay uga hortagaan weerarrada ka iman kara Al-Shabaab, isla markaana loo adkeeyo amniga goobahaas. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa tilmaamay in isku-xirka howl-galada Hiiraan iyo kuwa ka socda gobollada deriska ah uu noqday mid mudnaan leh, halka masuuliyiinta maamulka ay xoogga saarayaan kicinta bulshada iyo xoojinta wada-shaqeynta bulshada deegaanka. Dowladda Soomaaliya ayaa dardar-gelinaysa dagaalka Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay uu gaabis ku yimid, iyadoo maalmo ka hor ay ciidamadu howl-gal ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah. Si kastaba, howl-gallada ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku wadaan sidii loo ciribtiri lahaa Al-Shabaab, loona xaqiijin lahaa amniga shacabka Soomaaliyeed. Share this post Link to post Share on other sites