Sign in to follow this  
Deeq A.

Cawaaqibta aan la mahdin ee ka dhalan karta weerarada Xasan iyo mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   
512697363_1181738060663998_5964900972676

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii u dambeeyay, mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Mucaaradka ayaa warbaahinta isku dhaafsaday hadallo adag.

Hadalladan ayaa dhaliyay buuq iyo falcelin xooggan oo ka dhex abuurmay bulshada. Tan iyo markii lagu kala kacay wada-hadalladii u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madasha Samatabixinta ee ku mideysan siyaasiyiinta mucaaradka, ereyada labada dhinac isu adeegsadeen ayaa noqday kuwo aad u kulul.

Ra’iisul Wasaare hore, Maxamed Xuseen Rooble ayaa dowladda ku eedeeyay inay diidan tahay in doorasho wadar-ogol ah la gaaro, iyadoo cutubka 4-aad dib loogu celinayo ka hor inta wax ka beddel lagu sameyn, taasoo uu ku tilmaamay mid caqabad ku ah hannaanka doorashooyinka.

Xasan Sheekh ayaa dhankiisa mucaaradka ku eedeeyay inay gabeen kaalintoodii dagaalka Al-Shabaab, taasoo ay iska fogeeyeen mucaaradka. Sidoo kale, Madaxweynaha oo ku sugan Dhuusamareeb, ayaa mucaaradka ku tilmaamay “kuwa aan lahayn aragti mideysan oo lagu horumarin karo dalka”.

Madaxweynaha ayaa fashilka wada-hadalladii siyaasadeed u saariyay mucaaradka, oo uu sheegay inay rabaan in loo laabto amuurtii dastuurka 2012-kii. “Aan ka doodno xitaa waa diideen,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, qeybna ka ahaa kulamadii u dambeeyay ee Madaxweyne Xasan ayaa mucaaradka ka fogeeyay inay horseedeen fashilka, isagoo madaxweynaha u saariyay in fashilka uu sababteeda leeyahay.

“Madaxweyne dadku waa ogyihiin in dagaalka argagaxisada laguugu garab taagnaa, lagaase yeeli maayo in guuldarradii ka dhalatay khilaafka dastuurka, musuqa, eexda iyo boobka dhulka danta guud aad cid kale dusha ka saarto,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka jawaabay eedeynta Madaxweynaha.

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya, Cabdulqaadir Jaamac ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uga jawaabay eedeymaha mucaaradka, isagoo sheegay in mucaaradku doonayo in aan doorasho qof iyo cod ah dalka ka dhicin, taasoo ku dooday inay tahay mid ay xaq u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, ayna muddo badan sugayeen.

Maxaa ka dhalan kara is-weerarka labada dhinaca?

Dowladda iyo mucaaradka ayaa mid walba saxnaanta dhankiisa u arka. Iyadoo dowladda Xasan Sheekh ay ku doodeyso inay abuurtay fursado badan oo wada-hadal ah, welina ay diyaar u tahay in laga wada-hadlo xaaladda dalka, balse aysan ogolaan doonin in Soomaaliya lagu sii hayo halkeeda.

Mucaaradka oo shirar kala duwan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankooda ku doodaya in sida hadda wax u socdaan aan lagu aadi karin doorasho, isla markaana aysan aqbaleyn in “hoggaanka dalka uu gacantiisa ku dhisto nidaam doorasho oo u xaglinaya”.

Kala fogaanshahan iyo is-weerarka ay warbaahinta isku marinayaan labada dhinac ayaa meesha ka saaraya in miiska wada-hadalka xal looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee taagan, xilli wax ka yar sanad ay ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dad badan ayaa ka cabsi qabay in hadallada adag ay sii fogeeyaan labada garab, inkastoo horey ay isugu soo dhawaayeen una wada-hadleen arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda guud ee dalka.

Dhinacyada ayaa laga cabsi qabaa in mid walba uu awood ciidan wax ku raadiyo, taasoo horey uga dhacday Muqdisho kadib markii uu Farmaajo diiday inuu kubadda dhexda keeno, taasoo sababtay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, iyo weliba burbur hantiyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this