Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo caddeeyay in jariif ba’an ka socdo xeebaha degaannada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1755652174345.jpg?resize=1000%2C8

Madaxweyne Siciid Deni oo khudbad ka jeediyay Shir ku saabsan Kalluumeysiga oo Boosaaso ka qabsoomay ayaa caddeeyay in xeebaha Puntland uu ka socdo jariif ba’an oo maraakiin iyo doonyo shisheeye ku lug lee yihiin.

“Badda Puntland inteeda badan waa la jariifaa, waxaana ku jirta maraakiib jariif ah, xitaa kuwa dowladdu ruqsad siisay oo aan cidna kantaroolin baa ku jira iyo kuwa aan warba loo hay. Wararka markaan maqlo aan aad u naxo waxaa kamid ah in ay jiraan doonyo fara badan oo Yemen iyo Iraan ka yimaada oo jariifa, kuwaasi oo ay wakiilo ka yihiin dad reer Puntland ah” ayuu yiri Siciid Deni.

Warkan madaxweyne Deni ayaa imaanaya, iyadoo Kalluumeysatada xeebaha Puntland cabasho xooggan ka muujinayaan maraakiib iyo doonyo jariif ah oo ay ruqsad siisay xukuumadda madaxweyne Deni, kuwaasi oo ay wakiil ka yihiin xubno ka tirsan Qoyska madaxweynaha iyo qaar kamid ah saaxiibadiisa siyaasadeed.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo caddeeyay in jariif ba’an ka socdo xeebaha degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this