Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo maanta shan talis kala wareegay mileeshiyaadkii Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1755681539412.jpg?resize=1000%2C6

Taliska ciidamada dowladda Puntland oo war rasmi ah ka soo saaray hawlgal qorshaysan oo ay saaka ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ayaa shaaciyay in ay si buuxda ula wareegeen Ceelka Garooba, Ceelka Dhasaqan, Lugta Dhanaan, degaanka Ablaaya iyo buuraha Dalfalo oo dhammaantood ku teedsan ka togga Baallade.

Warkan oo ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay in guutada kowaad ee ciidamada difaaca Puntland saaka gacanta ku dhigeen dhammaan degaannada kor ku xusan, oo ay hore ugu dhuumanayeen mileeshiyaadka Daacish, kuwaasi oo sii firxaday ka hor inta aysan ciidamada dowlladdu la wareegin dhulkaasi.

“Guutada 1-aad ee Ciidamada Difaaca Puntland ayaa la wareegey Ceelka Garooba, Ceelka Dhasaqan, Lugta Dhanaan, deegaanka Ablaaya iyo buuraha Dalfalo oo ka tirsan buuraha Calmiskeed ee togga Baallade, kuwaasi oo khawaariijta Daacish u ahaa fadhiisimo muhiim u ah” ayuu u qor warka ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad.

“Sidoo kale Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay godad iyo goobo u ahaa kaydadka Saadka iyo difaacyo ay ku ilaalinjireen Dumarka iyo Caruurta, waxaana ay ciidamadu ku raadjoogaan firxadkooda” ayuu sii raaciyay Hawlgalka Calmiskaad oo ka warbixinayay saadkii iyo sahaydii loogu tegey degaannadii laga saaray Argagixisada Daacish.

Halkaan ka eeg Sawirada Hawlgalka

FB_IMG_1755681579588.jpg?resize=960%2C54 FB_IMG_1755681583593.jpg?resize=960%2C54 FB_IMG_1755681591899-1.jpg?resize=960%2C FB_IMG_1755681588299.jpg?resize=960%2C54 FB_IMG_1755681566963.jpg?resize=927%2C54 FB_IMG_1755681551462.jpg?resize=1000%2C6 FB_IMG_1755681555084.jpg?resize=1000%2C6 FB_IMG_1755681559339.jpg?resize=1000%2C5 FB_IMG_1755681563235.jpg?resize=1000%2C6 FB_IMG_1755681534843.jpg?resize=1000%2C6

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo maanta shan talis kala wareegay mileeshiyaadkii Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this