Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cirro Oo ka qayb galay Xafladda Qalin jabinta Jaamacadda Burco

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qayb galay Xafladda Qalin-jabinta Jaamacadda Burco, Dufcaddii 15-aad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka qayb galay xafladda qalin-jabinta ardaydii Dufcaddii 15-aad ee Jaamacadda magaalada Burco oo ay ka Qalin-jabiyeen in ka badan 600 oo arday, kuwaasi oo dhammaystay waxbarashadoodii heer Jaamacadeed.

Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray ardayda Qalin-jabisay, Waalidiintooda, Macallimiinta iyo Maamulka Jaamacadda, isaga oo xusay in waxbarashadu ay tahay furaha horumarka qof ahaan iyo dal ahaanba. Waxa uu ku dhiirrigeliyay ardayda in aqoontooda ay ugu adeegaan bulshada, dalkooda iyo mustaqbalkooda, isla markaana ay la yimaadaan hal-abuur iyo sidii ay u noqon lahaayeen hoggaamiyeyaal mustaqbal.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa amaanay doorka ay Jaamacadda Burco ku leedahay kobcinta aqoonta, horumarinta tacliinta sare iyo soo saarista aqoonyahanno u adeegaya Qaranka.

Bulshada reer Burco iyo maamulka Jaamacadda ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay ka qaybgalka munaasibadda, taas oo ay ku tilmaameen dhiirrigelin iyo sharaf weyn u ah ardayda qalin-jabisay.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

FB_IMG_1755788891330-300x200.jpg

FB_IMG_1755788896809-200x300.jpg

FB_IMG_1755788904803-300x200.jpg

FB_IMG_1755788916918-300x200.jpg

FB_IMG_1755788923347-300x200.jpg

FB_IMG_1755788933006-300x200.jpg

FB_IMG_1755788937895-300x200.jpg

FB_IMG_1755788942808-300x200.jpg

FB_IMG_1755788954955-300x200.jpg

FB_IMG_1755788961069-300x200.jpg

FB_IMG_1755788966488-300x200.jpg

FB_IMG_1755788970548-300x200.jpg

FB_IMG_1755788973873-300x234.jpg

FB_IMG_1755788977340-300x200.jpg

FB_IMG_1755788981614-300x200.jpg

FB_IMG_1755788985523-300x267.jpg

FB_IMG_1755788990076-300x200.jpg

FB_IMG_1755788994013-300x200.jpg

FB_IMG_1755788997422-300x200.jpg

FB_IMG_1755789001242-300x200.jpg

FB_IMG_1755789007958-300x200.jpg

FB_IMG_1755789004590-300x200.jpg

FB_IMG_1755789011572-300x200.jpg

FB_IMG_1755789025040-300x200.jpg

FB_IMG_1755789018730-300x200.jpg

FB_IMG_1755789031613-300x200.jpg

FB_IMG_1755789034888-300x200.jpg

FB_IMG_1755789037869-300x200.jpg

FB_IMG_1755789041039-300x200.jpg

FB_IMG_1755789048081-300x200.jpg

FB_IMG_1755789054639-300x200.jpg

FB_IMG_1755789057590-300x200.jpg

FB_IMG_1755789060812-300x200.jpg

FB_IMG_1755789063940-300x200.jpg

FB_IMG_1755789069441-300x200.jpg

FB_IMG_1755789090064-300x211.jpg

FB_IMG_1755789094034-300x200.jpg

FB_IMG_1755789098849-300x200.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this