Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda oo oggolaatay in ay dadka laga soo tarxiilayo Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

0c4ce24f-2739-42eb-b7a7-3fd35664fb31.jpg

Dawaldda Uganda ayaa heshiis la gashay Mareykanka si ay u qaabisho muwaadiniinta ka soo jeeda dalal seddexaad oo laga yaabo in aanay magangelyo ka helin Mareykanka, laakiin aan dooneynin in ay ku laabtaan dalalkii ay u dhasheen, sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha Dibaddu, maalintii Khamiista.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ujeedkiisu yahay in uu masaafuriyo malaayiin muhaajiriin ah oo si sharci darro ah ku galay Mareykanka, waxaana maamulkiisu uu doonayay in uu kordhiyo u masaafurinta dalal saddexaad oo ay ku jiraan dwaddamada Koonfurta Suudaan iyo Eswatini.

“Tani waa hab ku meel gaadh ah oo ay ku jiraan shuruudo ay ka mid yihiin in aan la aqbali doonin shakhsiyaadka leh diiwaannada dembiyada iyo carruurta aan lala socon,” ayuu yidhi Vincent Bagiire Waiswa, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda.

Waiswa ayaa intaa ku daray in Uganda ay door bidayso in ay qaabisho dadka ka soo jeeda dalalka Afrika ee heshiiska qaybta ka ah.

Arbacadii, sarkaal kale oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Uganda ayaa beeniyay war ay baahisay warbaahinta Mareykanka oo sheegayay in dal ku yaalla Bariga Afrika uu ogolaaday in uu qaabilo dadka laga soo tarxiilay Mareykanka, isagoo sheegay in aanay haysan tasiilaad ay ku dajiyaan.

Uganda oo ah xulafada Mareykanka ee Bariga Afrika, ayaa sidoo kale martigelisa ku dhawaad ​​laba milyan oo qaxooti iyo magangalyo doon ah, kuwaas oo inta badan ka soo jeeda dalalka gobolka sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Suudaanta Koonfureed iyo Suudaan.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this