Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay maxkamadaynayso ganacsata canshuuraha la dhuunta.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday inay dhowaan billaabayso maxkamadaynta ganacsatada aan sida hufan u bixin canshuuraha ku waajibay, ayadoo galdacwadeedyadooda si toos ah warbaahinta looga daawan doono.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay wada qabteen masuuliyiinta iyo laamaha ku shaqada leh canshuur qaadista ayaa sheegay in ay dhowr gal oo dembi canshuur la dhuumasho ah gacanta ku hayaan.

Wuxuu intaa ku daray inaan hadda ka dib canshuuraha qaadistooda cidna laga baryi doonin oo si qasab ah loo aruurin doono, islamarkaana ganacsatada hannaank lacag qabashada akoonnada diiwaangashan khilaafa sharciga lala tiigsan doono.

La xisaabtanka dadka canshuuraha ka dhuunta ayaa dunida ka ah arrin dastuuri ah, balse Soomaaliya markii la joogo way adagtahay in dacwad lagu oogo ganacsade aan qudhiisu shuruucda dalka xuquuq dhammaystiran ku haysan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this