Sign in to follow this  
Deeq A.

Abuurista Mustaqbalka Afrika ee Iftiinka leh: Wajiga Cusub ee Wada-shaqaynta Shir-madaxeedka TICAD 9

Recommended Posts

Deeq A.   

Shigeru ISHIBA
RA’IISAL WASAARAHA JAPAN

Shan iyo labaatan sano ka hor, sanadkii 2000, markii ugu horreysay ayaan booqday Senegal, taas oo ahayd tallaabadii iigu horraysay ee aan ku qaaday dhulka Afrika. Waxaa igu reebtay saamayn weyn firfircoonida ardayda da’da yar iyo awoodda ballaaran ee qaaradda, taas oo iga dhaadhicisay in Afrika uu leeyahay mustaqbal iftiin leh. Hadda, rumaysnaantaasi waa ay dhabowday.

Dhab ahaantii, sannadka 2025 waxa uu si gaar ah u noqonayaa sannadkii Afrika, iyadoo laba shir oo caalami ah oo diiradda saaraya Afrika ay si xooggan isu waafaqeen: Japan oo martigelinaysa Shir-madaxeedka 9-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD 9) ee ka dhici doona Yokohama 20–22 Agoosto, iyo Koonfur Afrika oo hoggaaminaysa G20.

Markii ugu horreysay la aasaasay 1993, TICAD waxa uu ahaa shir hormuud ah oo si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta Afrika muddo soddon sano ka badan, waxaana lagu gartaa in uu xoogga saaro laba mabda’ oo muhiim ah: “Afrika oo leh lahaansho iyo hoggaan” iyo “Wada-shaqayn caalami ah.” Sidoo kale, TICAD waxa uu u furan yahay ka qaybgal ballaaran oo ay ku jiraan hay’adaha caalamiga ah, dalalka saddexaad, ganacsiyada, jaamacadaha, iyo NGO-yada, taas oo muujinaysa awooddiisa gaarka ah. Iyadoo falsafaddan la adeegsanayo, Japan waxay ahaan doontaa saaxiib daacad ah oo Afrika garab istaaga.

TICAD 9 waxa uu ku socon doonaa halku-dhigga ah “Aan si wadajir ah u abuurno xalal cusub oo hal-abuur leh oo Afrika la jaanqaada,” halkaas oo Japan ay doonayso in ay horumariso xalal cusub oo wax looga qabanayo caqabadaha Afrika, iyadoo adeegsanaysa tignoolajiyadeeda casriga ah iyo khibraddeeda.

Faa’iido ayaa ku jirta in la isku daro xalalka gudaha Afrika looga soo unkay iyo kuwa Japan keentay.

Afrika waxa ay leedahay khayraad badan, dhalinyaro firfircoon, iyo awood weyn oo hal-abuur ah. Haddana waxa ay wajahaysaa caqabado waaweyn: saboolnimo, colaado, shaqo la’aan, cudurro faafa, iyo isbeddelka cimilada.

TICAD 9 waxa uu si toos ah u wajihi doonaa arrimahan isaga oo diiradda saaraya saddex hab oo muhiim ah:

1. Kordhinta Koboca Dhaqaale ee Joogtada ah iyadoo uu hoggaaminayo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay:
Japan waxay dardar gelin doontaa isbeddelka dhaqaale ee Afrika iyadoo xoojinaysa maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay. Waxaa ka mid ah hagaajinta jawiga maalgashiga iyo adeegsiga tignoolajiyada casriga ah sida AI, dhijitaalka, isbeddelka cagaaran, iyo xogta dayax-gacmeedka. Kuwani waxay abuuri doonaan fursado dhaqaale oo cusub waxayna kordhin doonaan saameynta horumarineed. Khibradda iyo kheyraadka Japan ayaa lagu taageeri doonaa koritaanka ganacsiyada Afrika iyo dhismaha nidaamyo warshadeed oo adag.

2. Dhiirrigelinta Dhalinyarada iyo Haweenka:
Mustaqbalka Afrika waxa uu ku tiirsan yahay dhalinyarada iyo haweenka. Japan waxa ay ka go’an tahay in ay awood siiso dhalinyarada iyo haweenka iyadoo la fulinayo barnaamijyo horumarinta khayraadka aadanaha, gaar ahaan tababarrada xirfadeed ee ka jira qaybaha dhaqaale ee ugu kobaca badan. Haddii aan awooddooda la maalgeliyo, waxa ay horseedi karaan koboc loo dhan yahay iyo bulsho waara.

3. Xoojinta Is-dhexgalka Goboleed iyo Isku-xidhka:
Is-dhexgalka goboleed waa mid muhiim u ah barwaaqada Afrika. Japan waxay si xoog leh u taageeri doontaa hirgelinta Suuqa Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) iyadoo fududeynaysa ganacsiga iyo maalgashiga xuduudaha ka gudba, isla markaana dhisaysa silsiladaha qiimaha. Iyadoo la raacayo hindisaha Xor iyo Furan ee Badweynta Indo-Pacific oo ay Japan ku dhawaaqday shirkii TICAD VI ee Nairobi, Kenya, Japan waxay sii wadi doontaa inay xoojiso isku-xidhka, hay’adaha adkaysiga leh, iyo horumarinta khayraadka aadanaha ee Afrika.

Si loo gaaro horumar waara iyo bulsho loo dhan yahay, muhiim ayaa ah in la xoojiyo nabadda iyo xasilloonida. Japan waxay sii wadi doontaa iskaashiga ay la leedahay dalalka Afrika, iyadoo taageero xoog leh siineysa dadaallada ay Afrikaan laftoodu hoggaaminayaan ee lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida qaaradda.

Ugu dambeyntii, TICAD 9 waa wax ka badan shir; waa madal firfircoon oo lagu sameeyo iskaashi qoto dheer, lagu abuuro xalal cusub oo hal-abuur leh, laguna dhiso aragti wadaag ah oo ku saabsan mustaqbal barwaaqo iyo waara oo Afrika iyo adduunka ah.

Intaa waxaa dheer, muhiimadda iskaashiga Japan iyo Afrika waxay dhaafaysaa Afrika oo kaliya; Japan waxa ay rabtaa in ay Afrika la shaqeyso si loo xoojiyo maamul caalami ah oo loo dhan yahay oo masuul ah, kaas oo xaqiijinaya nabadda iyo barwaaqada bulshada caalamka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this