Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada, iyadoo mas’uuliyiinta Galmudug, saraakiil ciidan iyo bulshada rayidka ah ay ka qeyb galeen soo dhaweyntiisa.

Safarka Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa dardar-gelinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kormeerka mashaariic horumarineed iyo arrimaha doorashooyinka Galmudug.

Inta uu joogo Dhuusamareeb, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xarigga ka jari doona xarunta cusub ee Baarlamaanka Galmudug, waxaana uu kormeeri doonaa mashaariicda socda, oo ay ka mid yihiin dhismaha waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku boorinayo bulshada Galmudug in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this