Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo maanta la wareegay degaanno ku teedsan togga Baallade oo Daacish ku dhuuman jirtay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1755425414605.jpg?resize=1000%2C6

Taliska Ciidamada difaaca Puntland oo bayaan soo saaray ayaa sheegay in ay hawlgal qorshaysan ka fuliyeen degaannada Dhaban-qooxle, Cas-caso, Ceelka Dul&Darayle iyo Ceelka Gambarre oo dhammaantood ku teedsan tagga weyn ee Baallade.

Warkan oo ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayuu Taliska Ciidamada Puntland ku sheegay in dhammaan degaannadaasi laga fuliyay hawl qorshaysan oo lagu sifaynayo firxadkii mileeshiyaadka Daacish, kaasi oo qeyb ka ah wejiga 4aad ee Hawlgalka Calmiskaad oo heer geba-gabo ah maraya.

” Guutada 1-aad ee Ciidamada Difaaca Puntland oo gulufyo jiho walba ah kaga jira Buuraha Calmiskaad ayaa hawlgallo qorshaysan ka fuliyey Dhaban-qooxle, Cas-caso, Ceelka Dul iyo Darayle iyo Ceelka Gambarre, kuwaasi oo ku teedsan tog weynaha Baallade.”

“Wejiga 4-aad ee Hawlgalka Hilaac oo lagu ciribtirayo firxadka Daacish ayaa si quwad iyo xawli ah kusocda, iyadoo laga fulinaayo Dhul, Cir iyo Badba, waxaana laga-gaaray intii uu socdey natiijo wanaagsan” ayaa u qornaa warkan ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland gaar ahaan Hawlgalka Calmiskaad.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo maanta la wareegay degaanno ku teedsan togga Baallade oo Daacish ku dhuuman jirtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this