Deeq A. Posted 22 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa galabta qabtay shir jaraa’id oo xaaladda dalka uu uga hadlay, isagoo si weyn u dhalilay hannaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay u waddo shaqadii loo igmaday iyo arrimaha doorasho qof iyo cod ah. Shariif Sheekh Axmed, oo ah hoggaamiyaha Madasha mucaardka ah ee Samatabixinta ayaa sheegay in ay saluugsanyihiin sida dowladdu wax u waddo, isagoo dul istaagay qodobo xasaasi ah oo dowladda ay ku diidan yihiin. “Runtaan sheegeynaa Dastuur la badalo iyo shaati weyn oo la tosho shalay adaa diidanaa, maantana adigaa raba hantidii qaranka boob ayaa ku socda, ciidankiina dhinac kalaa u adeegsatay oo iyagoo is dilaya, argagixisadiina irdaha ayey kasoo istaagtay Muqdisho,” ayuu yiri Sheekh Shariif, Guddoomiyaha Madasha Samatabixinta. Madaxda sare ayuu ku dhaliilay in iyagu wax walba ay sameysteen oo ay isku koobeen, isla markaana aysan dhag jalaq u siineyn aragtida mucaaradka, taas oo qorshaha ugu dambeeya ee laga damacsan yahay uu yahay boob doorasho, sida uu sheegay Shariifka. “Xaaladda maanta jirta waxaan ognahay dowlado ayaa taageeri jiray Soomaaliya, qaarkood dhaqaalihii waa goosteen, qaarna waxay qarka u saaran yihiin inay ciidankooda kala baxaan Soomaaliya, ciidankeenii waa niyad jabay, Shabaab waa soo xoogeysanayaan,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale, Shariif wuxuu sheegay in caalamku dowladda Xasan Sheekh si weyn u taageeray oo hub iyo dhaqaalihii ugu badnaa lagu garab istaagay, balse si qaldan looga faa’iideystay awoodaas, isagoo xusay dagallada ka dhacay gudaha Muqdisho, kuwii Gedo ka dhacay iyo jabka ciidamada ee furimaha dagaalka. “Wixii ay taageero heshay dowladaan waxba kama bedelin dagaalka Al-Shabaab, qabaa’ilkii u diyaarsanaa inay dagaalka ka qeyb qaataan waa looga baxay dagaalka, hadan ayadoo ku marmarsiyooneysa waxaan nahay dowlad dhameystiran ayey xireysaa xafiisyadii UN-ka ee Muqdisho, taas oo qorshaha ay ka leeyihiin ay tahay in doorashada la boobo,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Hadalka Sheekh Shariif ayaa imaanaya iyadoo dhawaanahaan shirar ay yeelanayeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubnaha mucaaradka ay ka dhacayeen Muqdisho, kuwaas oo ugu dambeyntii natiijo la’aan ku soo dhamaaday. Dowladda Federaalka Soomaaliya dhankeeda waxey ku adkaysanaysaa in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacayso, iyadoo sheegtay in caqabado ay jiraan, laakiin muhiimaddu ay tahay in shacabku markaan uu doorto madaxda matalaysa. Hoos ka daawo Share this post Link to post Share on other sites