Deeq A. Posted 12 hours ago Carmo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Sabtidii sheegay in Puntland ay wajahayo weerarro badan oo dhinacyo kala duwan kaga socda. Deni oo degmada Carmo ee gobolka Bari tababar ugu soo xiray ciidamo cusub oo ka mid noqonaya Booliska Puntland, ayaa ciidamadaasi u sheegay in Puntland u baahan tahay difaac adag, maadaama ay weerarro kala duwan ku socdaan, sida uu sheegay. Deni wuu ka gaabsaday faahfaahinta weerarradaas iyo dhinacyada ku haya Puntland, hase yeeshee waxa uu xoogga saaray in uu si adag ula dardaarmo ciidamada cusub. “Arrimaha dalka ka jira, ma rabo maanta halkan inaan wax ku falanqeeyo, laakiin waxaan inta halkan fadhisa farayaa Puntland iyo deegaanadeeda difaac adag bay u baahan yihiin. Weerarro kala duwan baa dhinacyo badan kaga socda. Waxaan u baahanahay inaan midnimadeenna adkayno, isku duubnideenna ilaalino, dowladnimadeennana ku fara-adaygno,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Deni waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay ku jirto waqti adag, oo sida uu sheegay ay isku milmeen dowladnimadii iyo qabyaaladdii. “Waqti adag bay Soomaaliya ku jirtaa, oo ay isku milmeen dowladnimo iyo qabyaalad. Waa wax aad iyo aad u adag, waa arrin culus,” ayuu yiri Deni. Madaxweyne Deni ayaa ciidamada cusub oo noqonaya dufcaddii 8aad ee ka baxda Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo kula dardaarmay inay qabyaaladda maskaxdooda ka saaraan, si Puntland ay u noqoto tusaale lagu dayan karo. “Ma doonayno inaan weligeen ahaanno dal burbur ku jiro. Haddii Soomaaliyeed inteeda kale meelo ka mid ah ay duruufo ka jiraan, waxaa la rabaa meelaha ay Puntland ka mid tahay inay noqdaan tusaale lagu dayan karo, oo berri ka maalin noqda hoy badbaado u ah dalka,” ayuu yiri hoggaamiyaha Puntland. Isagoo hadalka sii wata ayuu ku daray: “Arrimaha siyaasadda ee dalka ka jira iyo guud ahaan xaaladaha isbeddelka ah ee ka jira, dadka Soomaaliyeed siyaasad in looga sheekeeyo ma aha. Mujtamac isaga dhan siyaasi noqday weeye, taasina waa mushkilad iyada nafteeda ah.” Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland, ayaa ciidanka booliska kula dardaarmay inay siyaasadda ka fogaadaan, isla markaana noqdaan kuwo dadka u dhexeeya oo sharciga ilaaliya. “Sidaas ayaan ku gaari karnaa horumar, deganaansho iyo himiladii dadka iyo dalkeenna ay tiigsanayeen — taas oo ahayd inaan noqono dal xasilloon, deggan, dimoqraadi ah oo ku dhisan federaalnimo,” ayuu yiri Deni. Madaxweyne Deni oo sanadkan khilaaf siyaasadeed xooggan kala dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale maamulkiisu dagaal kula jiray maleeshiyada Daacish ee ku sugan qaybo ka mid ah buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari. Share this post Link to post Share on other sites