Deeq A. Posted 11 hours ago Dimishiq (Caasimada Online) – Qorshe sir ah oo la sheegay inay ka dambeeyaan Mareykanka iyo Israel ayaa ka curanaya galbeedka dalka Syria, iyadoo dadka naqdiya qorshahani ay ka digayaan inuu ujeedkiisu yahay in la kala dhantaalo dalkan dagaalladu ragaadiyeen, iyadoo lagu gambanayo ilaalinta beelaha diimaha laga tirada badan yahay. Istaraatiijiyaddan, oo loogu magac daray mashruuca “Galbeedka Syria,” waxay ka faa’iideysanaysaa welwelka iyo cabsida soo food saartay bulshooyinka Calawiyiinta, Kirishtaanka, iyo Druze-ka ee ku hoos nool xukuumadda cusub ee ku-meelgaarka ah. Sida ay warinayaan ilo-wareedyo amni oo gobolka ah iyo warbixinno soo ifbaxaya, qorshahani wuxuu isugu jiraa ololeyn siyaasadeed (lobbying) oo ka socota Washington, isku-dubarid militari oo qarsoodi ah, iyo kicinta iska-hor-imaadyo mad-habi ah oo si ula kac ah loo abaabulay. Hadafka ugu dambeeya, sida uu sheegay ilo-wareed la hadlay warbaahinta The Cradle, waa in la kala dhantaalo midnimada dhuleed ee Syria, si loogu adeego danaha istaraatiijiyadeed ee Israel. Qorshe lagu qaabeeyey Washington Asalka qorshahan wuxuu si cad uga soo muuqday hadallo ay jeediyeen sharci-dejiyeyaal sare oo Mareykan ah. Dhageysi uu yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka 13-kii Febraayo, ayuu Senator James Risch, oo ah xubin sare oo Jamhuuri ah, wuxuu ku taliyay in diiradda la saaro galbeedka dalka. “Marka aad eegto khariidadda Syria, waxay u muuqataa sidii halxiraale isku dhex yaacsan oo kale (Rubik’s cube) marka la eego sida uu dalku u kala qaybsan yahay,” ayuu yiri Risch. “Fikraddeydu waxay tahay inaan diiradda saarno qaybtan galbeed… haddii aan meeshan gacanta lagu dhigin, inta kale ee dalka gacanta laguma dhigi karo.” Aragtidan waxaa si la mid ah u muujiyay Michael Singh oo ka tirsan Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga Dhexe (Washington Institute for Near East Policy), oo ah xarun daraasaad oo magac leh, kaasoo sheegay in Mareykanku uu “xoogga saari karo waxa ka socda galbeedka Syria.” Doodahan ayaa haatan isu rogay ololeyn la taaban karo. Agoosto 5, shirkadda la-talinta ee fadhigeedu yahay Washington ee Tiger Hill Partners ayaa shaacisay inay matali doonto hay’adda cusub ee loo bixiyay “Mu’asasada Horumarinta Galbeedka Syria.” Sida lagu shaaciyay diiwaannada dadweynaha u furan, qandaraaskan oo ah hal sano oo ku kacaya $1 milyan, ayaa ujeedkiisu yahay in loo doodo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Syria iyo in saameyn lagu yeesho siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan kala-guurka siyaasadeed. Israel ayaa lagu warramayaa inay hagayso dhinacyada qarsoon ee qorshaha, iyadoo ah “maskaxda ka dambaysa,” sida ay sheegtay warbixinta The Cradle. Isku-xirkan ayaa la sheegay inuu hirgalay bishii Luuliyo, kaddib labo kulan oo albaabadu u xirnaayeen oo ka dhacay Tel Aviv. Kulammadaas ayaa la sheegay inay isu keeneen saraakiil Israeli ah iyo shakhsiyaad masaafuris ku nool oo u dhashay Syria kana soo jeeda beelaha Calawiyiinta iyo Druze-ka. Kulamadaas kaddib, Eddy Cohen, oo ah saxafi Israeli ah oo caan ka ah warbaahinta Carabiga, ayaa ku dhawaaqay Agoosto 6 in “isbahaysi Calawiyiin iyo Druze ah” lagu dhisayo Mareykanka. Wadahadalladan heerka sare ah ayaa ku soo beegmay xilli ay dhaceen dhacdooyin ammaan-darro oo is-xigxigay oo ka dhacay gobolka xeebta Syria, oo ah xudunta deegaanka Calawiyiinta. Ciidamada amniga gudaha ee Syria ee magaalada Tartous ayaa shaaciyay inay fashiliyeen shirqool la doonayay in lagu weeraro Kaniisadda Mar Elias ee Maronite-ka ee ku taal Safita. Shaacintan, oo saddex toddobaad dib loo dhigay, ayaa dhalisay shaki ah inuu jiray isku day ula kac ah oo lagu abuurayo cabsi beelaha dhexdooda ah, si marmarsiiyo looga dhigto faragelin shisheeye oo lagu soo gabanayo ilaalinta dadka laga tirada badan yahay. Isla mar ahaantaas, warbaahino gaar ah ayaa faafiyay bayaan aan la xaqiijin oo sheegayay in la aasaasay “Gole Millitari oo Kirishtaan ah.” Ujeedada lagu sheegay ee kooxdan ayaa ahayd in la mideeyo dagaalyahannada Kirishtaanka ah ee horay ula dagaallamay kooxaha mayalka adag sida Hayat Tahrir al-Sham (HTS)—kooxda hadda gacanta ku haysa hoggaanka ku-meelgaarka ah ee Syria—iyo in la xaqiijiyo in Kirishtaanku matalaad ku yeesho heshiis kasta oo siyaasadeed oo mustaqbalka la gaaro. Jiritaanka iyo sugnaanshaha golahan weli lama xaqiijin. Suuriyada Assad kadib iyo cabsi baahday Mashruuca “Galbeedka Syria” wuxuu higsanayaa inuu ka faa’iideysto firaaqa awoodeed iyo cabsida qotada dheer ee ka dhalatay burburkii kediska ahaa ee xukuumaddii Bashar al-Assad dabayaaqadii 2024. Hoggaanka cusub ee sida dhabta ah u taliya (de facto) waxaa gacanta ku haya Axmad al-Sharaa (oo hore loo yiqiin Abu Mohammad al-Julani), oo ah hoggaamiyaha HTS. Inkastoo al-Sharaa uu si cad u ballanqaaday inuu ilaalin doono beelaha laga tirada badan yahay, haddana bulshooyin badan oo Calawiyiin, Kirishtaan, iyo Druze ah ayaa weli cabsi weyn ka qaba kooxdan Islaamiga ah, oo Mareykanku uu weli u aqoonsan yahay urur argagixiso. Jawigan hubanti la’aanta ahi wuxuu dhul-gogol u yahay dhinacyada shisheeye ee doonaya inay gobolka ka samaystaan aagag saameyn. Qorshahan ayaa sidoo kale la sheegay inuu ku fidsan yahay dalka deriska la ah ee Lebanon, si hubka looga dhigo ururka Xizbullah ee ay Iran taageerto—oo ahaa xulufo weyn oo la lahaa nidaamkii hore ee Assad—iyo in dagaalyahannada Syria laga soo saaro Lebanon dibna loogu celiyo deegaanka xeebta ah ee la qorsheynayo. “Ilo-wareed amni oo gobolka ah” oo uu soo xigtay The Cradle ayaa istaraatiijiyaddan ku qeexay mid ay Israel ku doonayso inay ku abuurto labo marin oo istaraatiiji ah. “Israel waxay doonaysaa inay ka faa’iideysato kala qaybsanaanta beelaha iyo qowmiyadaha Syria si ay dadka laga tirada badan yahay ugu adeegsato qalab siyaasadeed iyo mid militari, taasoo ka caawinaysa qorshaheeda ah kala qaybinta dalka,” ayuu yiri ilo-wareedka. In kasta oo mashruucan uu u muuqdo mid dardar leh, haddana wuxuu wajahayaa iska-caabbin. Isla ilahaas ayaa sheegaya in jilayaal gudaha iyo dibadda ah, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan maamulka cusub ee Dimishiq, ay si xoog leh uga shaqeynayaan sidii ay u fashilin lahaayeen qorshahan, iyagoo horeyba ugu guuleystay inay hor-istaagaan weerarkii lala damacsanaa kaniisadda Safita. Haddii uu sii ahaanayo olole qarsoodi ah iyo haddii uu isu beddelo siyaasad muuqata, mashruuca “Galbeedka Syria” wuxuu daah-furayaa weji cusub oo halis ah oo colaadda ka mid ah, isagoo halis ku ah inuu dalka si joogto ah ugu kala dillaaciyo saldhigyo mad-habi ah, taasoo danaheeda istaraatiijiyadeed ay leeyihiin quwadaha shisheeye. Share this post Link to post Share on other sites