Sign in to follow this  
Deeq A.

Liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka W/Bari oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   
SSC.jpg

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa saaka lagu dhawaaqay liiska xidhibaannada cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo indhowaanahaan lagu howlanaa, maadaama maamul cusub ay yeesheen gobollada Sool, Sanaag iyo Tohdheer.

Liiska soo baxay ayaa ka kooban illaa 83 mudane oo loo kala qaybiyay beelaha ku midoobay maamulkan, waxaana ka mid noqday 4 gabdhood, halka 79 kalena ay yihiin rag.

Sida ka muuqato iiska, 37 kamid ah xildhibaannada waxaa laga soo xulay Sanaag, halka Sool laga keenay 30 Mudane, sidoo kale 16 ayaa waxaa laga keenay gobolka Togdheer.

Waxaa liiskan oo rasmi ah soo saaray guddiga hubinta iyo ansixinta golaha wakiilada, waxaana la filayaa in kulankooda ugu horreeya ay kusoo doortaan hoggaan KMG ah, inta laga gaarayo doorashada guddoonka baarlamaanka.

Xildhibaannada cusub ayaa durbadiiba si weyn loo soo dhaweeyay, waxaana si aad loogu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka oo ay qabsatay hambalyada xildhibaannada.

Sidoo kale waxaa maalmaha soo socda la guda geli doonaa howlaha kale ee maamulka, waxaana ugu horreeyo doorashada guud oo dhowaan ka dhaceysa gudaha magaalada Laascaanood, taas oo ay ku loolami doonaan musharixiin uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haya Cabdulqaadir Firdhiye oo maamulkan kasoo gudbiyay marxaladdii adkeyd.

Si kastaba, Abuuritaanka maamulkan cusub waa natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay oo ka qaraxday magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool, dabayaaqadii 2022. Dibadbaxyo looga soo horjeeday dilal is-daba-joog ah oo loo geystay shakhsiyaad deegaanka caan ka ahaa ayaa isku beddelay halgan hubeysan oo ballaaran bishii Febraayo 2023, kaas oo dhex maray ciidamada ammaanka ee Somaliland iyo ciidamadii cusbaa ee SSC-Khaatumo.

Aas-aaska maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa looga gol leeyahay in lagu rasmiyeeyo heerkiisa Dowlad-Goboleed ka tirsan Federaalka, isagoo si toos ah ula shaqaynaya dawladda dhexe ee magaalada Muqdisho, isla markaana caqabad ku noqonaya sheegashada dhuleed ee derisyadiisa awoodda leh ee Somaliland iyo Puntland.

1-1.jpg 2-1.jpg03.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this