Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Muqdisho oo xalay wacdaro cajiib ah ka dhigay caasimada + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
shacabka-Muqdisho-1.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadweynaha ku nool Muqdisho aya xalay isugu soo baxay bartamaha caasimada, gaar ahaan isgoyska Taleex, iyaga oo u dabaal-degay guusha wayn ee laga gaaray diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah.

Shacabka oo isaga kala yimid 20 degmo ee gobolka Banaadir ayaa xalay dhigay wacdaro cajiib ah, waxaana isu soo baxa kala qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta kula hadlay dadweynaha ayaa tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in hal milyan qof ay iska diiwaangelisay magaalada Muqdisho, si ay u doortaan hoggaankooda.

Sidoo kale, wuxuu soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay guddiga doorashada oo sheegay in dhawaan la qaban doono doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka.

“Halkan waa isgoyska Taleex waxaa u jeediin in shacabka gobolka Banaadir oo dhan ay isugu yimaadeen ku baashaalayaan, iyaga oo aad iyo aad ugu faraxsan natiijadii ka dhalatay isdiiwaangelinta, waxay ku faraxsan yihiin in dadka gobolka Banaadir hal milyan oo qof ay isdiiwaangelisay, ayna soo dooranayaan golayaasha deegaanka” ayuu yiri Yabooh.

Waxaa kale oo uu raaciyay “30-ka bisha October in la shaaciyay in la galo doorashada golaha deegaanka, farxad wayn ayay noo tahay, muddo dheerna waa sugaayeen shacabka gobolka Banaadir”.

Dhankeeda guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo hadal siisay warbaahinta ayaa sheegtay in laga gudbay doorashadii dadbaneyd, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay si cadaalad haatan wax kusoo dooran doonaan.

“Caawa waxay nooga dhigan tahay habeenka aan dhalanay oo kale waayo waxaan ka gudbeynaa dadban, waxaana u gudbeyna doorasho cadaalad ah oo qof iyo cod ah,” ayay tiri Jawaahir Baarqab.

Shalay ayaa guddiga doorashooyinka qaranka oo soo gabagabeeyay diiwaangelintii ka socotay Muqdisho, wuxuuna sheegay in la diiwaangaliyay ku dhawaad 1 milyan oo qof, kuna nool caasimada, kuwaas oo  ka qayb-geli doono doorashooyinka guud ee dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhowaan la qaban doono doorashada Muqdisho, gaar ahaan golayaasha deegaanka oo ay ka qayb-geli doonaan dadweynaha Soomaaliyeed.

“Duqa Magaalada Muqdisho iyo golaha deegaanka waxaa la dooran doona 30 bisha October, waxaana loo dareeri doona codbixin” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this