Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshe ay Al-Shabaab ku layn laheyd shacab badan oo la fashiliyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa nin hubeysan oo waday walxaha qarxa oo xalay lagu qabtay agagaarka isgoyska Taleex ee degmada Hodan, halkaas oo ay ku sugnaayeen boqolaal shacab ah oo u dabaal-dagayay guusha wayn ee laga gaaray ololaha isdiiwaangelinta ee maalmahan ka socday caasimada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ninkan ayaa si qarsoodi ah ku tegay goobta, balse waxaa dhaq-dhaqaaqiisa ka shakiyay ciidanka goobta joogay oo durbadiiba gacanta ku dhigay.

Saraakiil ka tiran laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in ninka la qabtay uu watay bambaanooyin, uuna doonayay in goobta uu ka fuliyo weerar qorsheysan, balse laga hortegay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in la xiray eedeysanaha, isla markaana ay haatan baaritaanno dheeraad ah ay ku hayaan ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Goobta uu weerarka ka gaysan rabay ninkan ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin dowladeed iyo shacab fara badan oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, balse ka hor qorshihiisa ayaa waxaa qabtay ciidanka amniga oo iyagana goobta ka waday howlgal culus.

Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha amniga  Soomaaliya oo ku aadan qabashada ninkan, waxaase weli ku socda baaritaanno dheeraad ah.

Muqdisho ayaa indhowaanahan dagneyd, waxaana heerkii ugu wanaagsanaa gaaray amniga, kadib markii ay wax badan ka qabatay dowladda Soomaaliya oo la timid qorshe gaar ah oo lagu sugayo amniga caasimada, wax badana ka beddala nabad-gelyada guud.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this