Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo maanta tababar u soo xiraya ciidamo xuquuq la’aan ka gadooday

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1755320802715.jpg?resize=1000%2C6

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa maanta tababar u soo xiraya ku dhawaad 500 oo ciidan ah, kuwaasi oo kamid noqonaya Booliska dowladda Puntland.

Ciidankan oo dhammaantood ah dhalinyaro heer jaamacadeed ah oo tartan iyo imtixaan ku soo baxay, si ay u helaan tababarkan ayaa mudda 8 bilood ah waxay tababar ku qaadanayeen Kulliyadda Tababar Booliska ee degmada Carmo, si ay ugu biiraan ciidamada Booliska Puntland.

Ciidankan oo loo sheegay in ay mushaarkooda bixinayso dowladda Imaaraatiga Carbeed ayaa gadood sameeyay ka hor inta aysan tababarka dhamaysan, kaddib markii ay sheegeen in ay xuquuq la’aani ku dhacday, inkastoo markii danbe si hoose loo xalliyay tabashadoodii.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo maanta tababar u soo xiraya ciidamo xuquuq la’aan ka gadooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this