Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Waa Inaysan Isu Nuglaynin Beerlaxawsiga Kooxda Kursi-doonka ee ‘Samatabixinta’

Recommended Posts

Deeq A.   
1000053111-1.jpg?resize=1000%2C718&ssl=1Madaxweyne Deni waa inuu ku soo noqdo Cahdiga Puntland ee 1998, oo uu jebiyay markuu taageeray in Soomaaliya maamullo u kala go’godo.

Garoowe (Faallo) — Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu maanta khudbad u jeediyaay saraakiil boolis oo uu tababbar ugu xirmay Kulliyadda Booliska ee Carmo. Waa kulliyad loogu talaggalay in lagu tababbaro ciidanka booliska Soomaaliya heer federaal kaddib markii Soomaaliya ay qaadatay hab federaal ku salaysan 2004tii.

Carmo waxaa la filayay inay noqoto calaamadda awoodaha baahsan ee dowladda federaalka. Maamulladii isku xigay ee Puntland may sii adkaynin xiriirkaas. Maanta wuxuu Madaxweyne Deni sheegay inuu  dhidibbada u sii aasayo maamulkii la dhisay 1998kii. Dhowr bilood ka hor wuxuu si cad u taageeray maamulka goosasho-doonka isu bixiyay Jamhuuriyadda Somaliland, oo wuxuu si cad u dambabasay xaquuqii maamulkaas ciidammadiisu ka geysteen Laascaanood 2023kii. “Somaliland way raacan kartaa danaheeda” ayuu sheegay Deni isaga oo isu malaynayay inuu fasax siyaasadeed bixiyo.

Taariikh ahaan Puntland waxaa asaaskeedii sabab u ahaa sidii xirfadda lahayd ay siyaasiyiintii waqtigaas dhulkii loo yiqiin Waqooyi Bari u maareeyeen barakicii Muqqidhso ka dhacay kaddib markii taliskii kacaanka afka ciidda loo daray. Siyaasadda hoos ka soo dhisidda (bottom-up approach) oo asaaska u ahayd Puntland waxaa beddelay siyaasad madax-tooyo-ka-nool ah.

Sidee Puntland, oo keentay habka federaalka kaddibna u qareentay in ku-meelgaarka laga baxo oo dastuur cusub la qoro, u noqotay maamul bannaanka ka taagan dowlad-dhisidda Soomaaliya? Wasiirka Arrimmaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juaxaa) wuxuu dhowaan sheegay in ka bixistii ku meelgaarku ahayd gef siyaasadeed oo weyn. Wuxuu shalay si cad uga hor yimid ruwaayadda kursi-doonka ah ay wadaan kooxda wadahadallada kula jira maamulka waqtigiisu dhammaanayo 15ka Maajo 2026ka.

1000053109.jpg?resize=1000%2C808&ssl=1Carmo waa kulliyadda tababbarka Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sababta ka bixistii ku meelgaarka loogu degdegay waxay ahayd maamulkii Madaxweyne Faroole oo wadatashi baahsan samayn waayay. Wuxuu u arkayay ka bixista ku meelgaarka go’aan habka federaalka ka dhigaya mid awood baahin keeni doona.  Awooddu waxay ku noqotay gacmaha dowladda dhexe sidii ay ahaan jirtay ka hor 1991kii. maamulka goosasho-doonka Somaliland ayaa ka faa’iiday ka bixistii ku meelgaarka kaddib markii maamulkii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed go’aansaday inuu si gaar ah ula hadlo maamulkaas, maamulkii xigay ee Madaxweyne Xasan Sheekhna uu 2013kii u oggolaaday Hargeysa hab si gaar ah wax loogu siinayo (Special Arrangement).

Janaayo 2024kii ayuu Maxamed Kaahin, oo ahaa Wasiirkii Arrimmaha Gudaha ee maamulka Somaliland, ku dooday in dhammaan heshiisyadii hore ay Muqdisho iyo Hargeysa kala saxiixdeen u bannaynayaan inay “Somaliland bad ka kireyn karto Itoobiya sababo horumarin dhaqaale awgood.”

Puntland go’aammadeedu waxay sababeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya yeelatay awoodo maamul dhisid. Waxaa kale oo xusid mudan in xildhibaannada labada aqal ee Muqdisho ku metela maamulka goosasho-doonka ay ka awood-badan yihiin Puntland oo aqoonsan midinimada siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya.

Dad badan oo ku nool Puntland waxay rajaynayaan in maamulka Deni uusan isu nuglaynin hadallada beerlaxawsiga leh ee kooxda isu bixisay Samatabixinta ka soo laliyaan Muqdisho. Waxay doonayaan in hoggaamiyahoodu ku soo noqdo Madaxtooyada (Villa Somalia) mar kale kaddibna halkaas ka sii wado siyaasadda kooxda Aala Sheekh oo ku salaysan dhisidda isbahaysiyo beeleed, la dagaallanka dadka sida dhabta u jecel midnimada. Codadka beesha Dir oo dhowaan la shiray ayaa kaga weyn kaalinta midnimo ilaalinta ay Putland ku suntan tahay.

Wadahadal dhab ah oo dib loogu qaabaynayo habka dowladda federaalku u shaqayso ayaa loo baahan yahay. Puntland waxay kaalintaas qaadan kartaa marka madaxdeedu ay iska dhowri karaan jab siyaasadeed oo istaraatiji ah, tusaale in Puntland ay ka mid tahay kana mid ahayn maamul federaaleedyada xubinta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya. Bishii hore, markii dowladda Puntland ay war ka soo saartay markabkii Turkiga ay ciidanka ilaalada badda ee Puntland qabteen, waxay dowladda  Puntland sheegatay inay xubin ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya, ka sokow in Madaxweyne Deni uu 2023kii sheegay in Puntland ay xiriirka u jartay dowladda federaalka una dhaqmi doonto sida maamul gaar ah. Puntland waxay maanta u baahan tahay wadatashi ballaaran si looga saaro go’doonka siyaasadeed ay ku jirto loona yareeyo siyaasadaha gurracan oo halista ku ah danaha dadka Puntland meel kasta waqtiga dhow iyo waqtiga fog.

© Puntland Post, 2025

The post Puntland Waa Inaysan Isu Nuglaynin Beerlaxawsiga Kooxda Kursi-doonka ee ‘Samatabixinta’ appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this