Sign in to follow this  
Deeq A.

Netanyahu oo shaaciyey qorshaha ‘Greater Israel’ – Qabsashada 7 dal oo Carab ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Greater-Israel.jpg

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Talaadadii sheegay inuu si “aad ah” u doonayo aragtida Israel Weyn (Greater Israel), intii uu ku guda jiray wareysi uu bixiyay, kaddib markii uu ka aqbalay Sharon Gal — xildhibaan hore oo ka tirsan garabka midig ee xagjirka — qalab sawir ah oo matalaya “dhulka la ballanqaaday”.

Hadalka Netanyahu ayaa kiciyay cambaareyn baahsan oo ka timid dowlado badan oo Carbeed, kuwaas oo u arkay hadalkiisa hanjabaad cad oo ku wajahan dhulkooda madaxbannaan.

Aragtida Israel Weyn, oo leh fasiraado kala duwan, ayaa muddo dheer loo adeegsanayay siyaasadda Israa’iiliyiinta qaran-jaceylka xagjirka ah. Badanaa waxaa lagu qeexaa qorshe ballaarin dhuleed oo ku fidinaya Falastiin, Lubnaan, Urdun iyo qaybo waaweyn oo ka mid ah Suuriya, Ciraaq, Masar iyo Sacuudi Carabiya.

Mararka qaar waxaa si kooban loogu loola jeedaa dhulalka Israel qabsatay 1967: dhulka Falastiin, Buuraleyda Golan ee Suuriya iyo Saxaraha Sinai ee Masar.

Inkasta oo hadalka Netanyahu uu yahay mid cusub, fikradda Israel Weyn ma aha mid cusub ama si rasmi ah loo qeexay, hase yeeshee dadka qaar ayaa ku tilmaamaya inay hadda sii xoogaysanayso, maadaama Israel ay weli ka wado Gaza xasuuqa socda.

Asalka aragtida

Fikradda Israel Weyn waxaa markii ugu horreysay soo bandhigay Theodor Herzl, aabbaha Sahyuuniyadda siyaasadeed, kaas oo ku qoray xusuus-qorkiisa in dawlad Yuhuuddu ay gaarsiisnaan doonto “laga bilaabo Webiga Masar ilaa Webiga Furaat”.

Oraahdan ayaa laga soo qaatay Buugga Book of Genesis, halkaas oo Ilaah uu Nabi Ibraahim iyo faraciisa ugu ballanqaaday dhul ballaaran oo ku fidsan “laga bilaabo Webiga Masar ilaa Furaat,” sida ku qoran.

Qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta waxay tixraacaan aragti ku jirta Buugga Book of Deuteronomy, halkaas oo Ilaah uu Nabi Muuse ku amray in Israa’iiliyiintu qabsadaan Falastiin, Lubnaan iyo qaybo ka mid ah Masar, Urdun iyo Suuriya, sida ku qoran

Qaar kale waxay soo qaataan Buugga Book of Samuel, oo sharxaya dhulkii ay xukumeen Boqorradii Saul iyo Daawuud, oo ka koobnaa Falastiin, Lubnaan iyo qaybo ka mid ah Urdun iyo Suuriya.

Kuwa ku dhaqma aragtidan, helitaanka Israel Weyn ma aha oo keliya qorshe siyaasadeed, balse waa fulinta wax ay u haystaan amar rabbaani ah — dib u soo celinta dhul ay aaminsan yihiin inuu xaq ahaan u leeyahay shacabka Yuhuudda.

Isbeddellada ku yimid

Markii la aasaasay Dawladda Israel 1948, xuduudaheeda si rasmi ah looma qeexin. Dagaalkii lixda maalmood ee 1967, Israel waxay qabsatay Marinka Gaza, Daanta Galbeed, Buuraleyda Golan ee Suuriya iyo Saxaraha Sinai ee Masar.

Tani waxay ahayd dadaalkii ugu weynaa ee milatari ee Israel ku ballaariso dhulkeeda. Sinai waxaa dib loogu celiyay Masar kaddib heshiis nabadeed, halka Buuraleyda Golan si rasmi ah loogu daray Israel.

Dagaalkaas ayaa dib u soo nooleeyay doodda ku saabsan Israel Weyn, gaar ahaan Sahyuuniyadda diinta ku saleysan. Dabayaaqadii qarnigii 20-aad, erayga “Israel Weyn” ayaa noqday astaan siyaasadeed oo ay qaateen qaar Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo u arkayay hirgelinta ballan taariikhi ah iyo mid diin ku saleysan.

Xisbiga siyaasadeed ee Dhaqdhaqaaqa Israel Weyn (Movement for Greater Israel), oo la aasaasay kaddib dagaalkii lixda maalmood, ayaa ku baaqay in la sii haysto dhulkii la qabsaday lana dejiyo Yuhuud, wuxuuna firfircoonaa ilaa dabayaaqadii 1970-meeyadii.

Aragtiyada xukuumadda haatan

Tan iyo markii xukuumadda hadda jirta lagu dhaariyay 2022, tixraaca Israel Weyn ayaa noqday mid si joogto ah loo adeegsanayo. Sannadkii hore, dokumeenti muuqaal ah ayaa soo bandhigay Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich isagoo ku baaqaya in xuduudaha Israel lagu daro magaalada Dimishiq.

Wuxuu sheegay in Israel ay tartiib tartiib ugu fiddo dhammaan dhulka Falastiin, iyo qaybo ka mid ah Urdun, Lubnaan, Masar, Suuriya, Ciraaq iyo Sacuudi Carabiya.

“Waxaa qoran in mustaqbalka Yeruusaalem ay ku fidi doonto Dimishiq,” ayuu yiri Smotrich, isagoo adeegsanaya aragtida Israel Weyn.

Smotrich ayaa hore ugu sheegay hadallo la mid ah munaasabad xus ah oo 2023 lagu qabtay Paris, isagoo ka hadlayay goob lagu qurxiyay khariidadda Israel oo ku fidsan Urdun, islamarkaana ku dhawaaqay in “aysan jirin” qoom la yiraahdo Falastiiniyiin.

Mas’uuliyiin kale iyo xildhibaano ka tirsan xukuumadda ayaa si cad ugu baaqay in “dhul laga qaato” shacabka Falastiin ee Gaza.

Intii lagu guda jiray xasuuqa socda, sawir ayaa laga qaaday askari Israel ah oo xirnaa calaamad ku sawiran khariidadda Israel Weyn.

Dhacdadii ugu dambeysay waxay dhacday toddobaadkan, markii Netanyahu si cad u xaqiijiyay inuu weli ku taagan yahay aragtidaas — xilli Israel ay weli ku haysato gumeysiga dhuleed ee Daanta Galbeed, Marinka Gaza iyo qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan iyo koonfurta Suuriya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this