Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta ay mucaaradka heshiis ula gaari waayeen madaxweyne Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
512697363_1181738060663998_5964900972676

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo xalay shaaciyay in kulamadii ay la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya aysan kasoo bixin wax heshiis ah, ayaa sheegay sababta ka dambeysa in lagu kala tago wada-hadalladii socday.

Mucaaradka ayaa si cad u sheegay in qodobada la isku mari waayay ay kamid yihiin isbeddel lagu sameeyo cutubka 4 ee dastuurka iyo sidii heshiis looga gaari lahaa arrinta doorashada, oo madaxweynuhu ku dhagan yahay doorasho qof iyo cod.

Axmed Ciise Cawad, oo kamid ah madaxda Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaaciyay in sababta lagu kala tagay ay tahay in madaxweynuhu uu soo jeediyay in cutubka dastuurka ee la isku hayo loo qeybiyo labada dhinac, si dhinac walba u helo wuxuu rabo.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa sheegay in Madaxweynuhu rabay inuu qaato qeyb uu isagu door bidayo, oo ah tan hanaanka doorashada, taas oo u cuntami weysay mucaaradka.

Madaxda Mucaaradka ayaa qaabka doorasho ee 2024 oo lagu daray cutubka 4 ee dastuurka u arka mid madaxweynaha siinaya awood uu kaligiis ku soo xulan karo guddiga doorashada, isla markaana uu ku xaddidayo xisbiyada siyaasadda.

Tan ayaa u oggolaanaysa in isaga iyo xisbiga uu hoggaamiyo si fudud ugu guuleystaan doorashooyinka, taas oo si cad uga soo horjeesteen xubnaha mucaaradka.

Si kastaba, Intii ay socdeen kulamada, Madaxweynuhu ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay inuu aqbalo qodobo aas-aasi ah sida nidaamka baarlamaaniga, haddii mucaaradku aqbalaan doorashada uu wato.

Mucaaradka ayaa ka fogaanaya aqbalka doorasho uu ku lug yeelan karo hoggaanka hadda tallada haya, taas oo Villa Somalia ay haatan ugu yeertay “qof iyo cod”. Mucaaradka ayaa xalka looga gudbi karo kalabayrkan u aragta in ay dhacdo doorasho la mid tii uu kusoo baxay Xasan Sheekh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this