Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Difaaca oo ku dhawaaqday deegaano laga xoreynayo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab-ciidan-ciidamo-dagaal.jpeg

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Abuukar Maxamed ayaa shaaciyay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay dhawaan la wareegi doonaan deegaano iyo degmooyin ku jira gacanta Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in ciidamada dowladda ay ku jiraan diyaar garow iyo abaabul ballaaran oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, oo muddooyinkii dambe dib isku soo abaabulay.

“Todobaadyada soo socda shacabka Soomaaliyeed waxay maqli doonaan war farxad leh, oo ah in deegaano muhiim ah laga xoreeyo cadowga argagixisada, sida ugu dhakhsaha badan,” ayuu yiri Abuukar Maxamed.

Sidoo kale, wuxuu xusay in abaabulka iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada xoogga dalka uu si xooggan uga socdo gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaas oo howlgalada ugu waaweyn la qorsheynayo.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ugu baaqday shacabka ku nool gobollada dalka inay gacan ka geystaan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab weli ku harsan yihiin.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe hoos u dhacay kadib markii madaxda sare ee dalka u jeesteen arrimo siyaasadeed iyo dano shaqsiyeed, taas oo kooxda siisay fursad ay dib iskugu soo abaabusho.

Kooxda ayaa dib u qabsatay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo xoreyntooda ay ku baxeen geesiyaal naftood hurayaal ah oo ujeedkooda ahaa in dalkaan laga ciribtiro argagixisada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this