Deeq A. Posted 10 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib safar uu ku tagay dalka Turkiga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa. Safarka Xamza oo qaatay maalmo dowladdu ma shaacin ujeedkiisa iyo natiijada ka soo baxday. Soo laabashasada Xamza ayaa kusoo aadeysa xilli uu socdo guuxa mooshin culus oo ka dhan ah xukuumaddiisa, kaasi oo ay wadaan Xildhibaano Golaha Shacabka. Mooshinkan ayaa lagu wadaa in horgeeyo marka uu furmo kalfadhiga cusub ee baarlamaanka. Mooshinkan ayaa waxaa saxiixay xildhibaanno gaaraya illaa 120 Mudane, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyar) oo kamid ah xildhibaannada wada mooshinka. Sanyare ayaa sidoo kale sheegay in 23-ka bishaan oo ku beegan maalin Sabti ah ay qorsheeyeen in mooshinkaas la keeno kulanka baarlamaanka, si kalsoonida loogala noqdo Ra’iisul Wasaare Xamse iyo xukuumadiisa. “Mooshinka kalsooni kala-noqoshada Xukuumada Xamse Cabdi Bare, ee lakeeni doono maalinta sabtida ah 23 Augast insha allaah, waxaa saxiixay xildhibaabano gaaraya 120 mudane, wali waxaa naga dhiman 20 mudane, xildhibaankii raba inuu cibaadaysto aniga ha ilasoo xiriro,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo waqooyiga Gaalkacyo laga soo doorto. Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa noqday ra’iisul wasaarihii ugu xilka dheeraa, markii dib loo eego taariikhda intii ay xafiiska joogeen Ra’iisul Wasaarayaashii Soomaaliya soo maray, taasina waxaa sabab u ah kalsoonida uu Madaxweyne Xasan Sheekh u qabo Ra’iisul Wasaarihiisa. Share this post Link to post Share on other sites