Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasiyiinta ku midaysan Madasha Samatabixinta oo shaaciyay in aysan wax natiijo ah dhalin Wada-hadalladii Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1755182580271.jpg?resize=960%2C64

Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee ku midaysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo Warmurtiyeed soo saaray ayaa shaaciyay in ay aysan wax natiijo iyo heshiis ah ka soo bixin Wada-xaajoodkii ay kula jireen Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madashu waxay u dhabar adaygtay in wadahallada laga mira dhaliyo, si dalka looga samatabixiyo khilaaf iyo kala qaybsanaan dhaawac ku ah wadajirka iyo midnimada, niyadjabkana ku riday shacabka iyo beesha caalamka, taasoo u adeegaysa cadawga Soomaaliyeed oo ay argagexisadu ugu horreyso. Nasiib-darro, lama gaarin heshiiskii ay shacabka Soomaaliyeed rajada gelin lahaa, looga badbaadi lahaa khilaafka” ayay sheegtay Madashu.

Warmurtiyeedka ka soo baxay Madasha waxay ku baaqeen in dowlad goboleedyada khilaafka ku maqan ee Puntland iyo Jubbaland lagu qanciyo in ay ku soo biiraan wada-hadallada socda, islamarkaana heshiis buuxa laga gaaro doorasho toos ah oo daahfuran, heshiis lagu yahay, looguna gogol-xaarayo qof iyo cod, kuna salaysan dastuurkii dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen 2012. 

Madasha Mucaaridka ayaa sidoo kale soo jeedisay in dib loogu laabto dastuurkii 2012 ee ay bulshada Soomaaliyeed heshiiska ku ahayd ee ku salaysnaa nidaamka Baarlamaaniga ah ee u uku dhisnaa heshiiskii Carta iyo in 9-ka bilood ee ka harsan muddo xileedka Madaxweynaha xal laga gaaro doorasho toos ah oo loo dhanyahay, heshiisna lagu yahay, dalka u hoggaamisa qof iyo cod. 

Halkaan ka akhriso Warmurtiyeedka

FB_IMG_1755181701251.jpg?resize=1000%2C1 FB_IMG_1755181705164.jpg?resize=1000%2C1

PUNTLAND POST

The post Siyaasiyiinta ku midaysan Madasha Samatabixinta oo shaaciyay in aysan wax natiijo ah dhalin Wada-hadalladii Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this