Sign in to follow this  
Deeq A.

AKHRISO: Maxaa looga hadlay Shirkii golaha Wasiirrada ee maanta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Shirkadaha Shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise Sharciyeedka Macdanta.

Shuruucdan ay goluhu ansixiyeen, ayaa qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay amniga dalka iyo dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Shabaab ah ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka, iyada oo goluhu uu bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaareen dagaalka Shabaab looga sifeynayo dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this