Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo, Shariif, Kheyre iyo Rooble oo si adag uga hadlay dagaalka Tarabuunka

Recommended Posts

Deeq A.   
Farmaajo-iyo-Shariif.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo Ra’iisul Wasaareyaashii hore ayaa si adag uga hadlay dagaalkii maanta ka dhacay xaafadda Tarabuunka, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada amniga iyo shacab hubeysan oo ka gadooday dhulka sida qasabka ah ay dowladda ku baneynayso.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa si gooni-gooni ah uga hor yimid in dowladdu awood ciidan u adeegsato shacabka, taas oo ay ku tilmaameen “mid murugo leh oo dhaawacaysa kalsoonida shacabka ee dowladda.”

“Bulshada birmo-gaydada ah ee maanta ay ciidamada dowladdu ku weerareen degmada Hodan, dadka lagu dhex dilay hoygooda, dhallinyarada, haweenka iyo ilmaha hubka culus loo adeegsaday waa arrin murugo badan oo dhaawacaysa kalsoonida shacabka ee dowladda,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu intaas ku daray: “Ciidanka Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniinta, sidaas awgeed waxaan ka digayaa in ay cabashada dadweynaha uga jawaabaan xabbad iyo dhiig daadin.”

Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkaasi, halka dhaawacyada uu u rajeeyay soo kabasho degdeg ah. “Alle waxaan naxariistiisa Janno u weydiinayaa dhammaan dadka birmo-gaydada ah ee maanta ku naafowga dagaalka ka dhacay degmada Hodan, waxaanna caafimaad degdeg ah u rajaynayaa dadka ay soo gaareen dhaawacyadu.”

Sidoo kale, Shariif Sheekh Axmed ayaa isna si adag u cambaareeyay duullaanka loo adeegsaday Ciidanka Qaranka ee lagu qaaday xaafadda Horseed ee degmada Hodan, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ah islamarkaana lagu burburiyay xaafado ay ku nool yihiin dad danyar ah.

“Waa ayaan darro ah oo aan sinaba loo aqbali karin in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dalka u dhaartay oo la rabay inuu ilaaliyo nafta iyo maalka muwaadinka, uu iyagii ku soo hoos noqdo isagoo adeegsanaya ciidankii xoogga dalka,” ayuu yiri Shariif.

Ciidamada Soomaaliyeed ayuu tilmaamay in loo dhisay inay la dagaallamaan cadawga ummadda, isla markaana aan loo dhisin in loo adeegsado dhul-boob, cabburin bulsho iyo dano siyaasadeed oo gaar ah.

“Waa in Madaxweynuhu si degdeg ah u joojiyo dagaalkaas xaq-darrada ah ee aysan ku jirin wax dalka iyo dadka toonna maslaxad u ah. Waxaan sidoo kale uga digayaa saraakiisha ciidamada noocyadooda kala duwan inay aqbalaan amarro khaldan oo baal marsan shuruucda ciidanka, ayna ku koobnaadaan waajibkii ay u dhaarteen.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre, ayaa dhankiisa ayaan-darro ku tilmaamay in ciidanka qaranka ee loo carbiyay ilaalinta nabadgelyada shacabka uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh u isticmaalayo laynta shacabka iyo barakicinta danyarta.

“Waxaan mar kale ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu degdeg u joojiyo boobka dhulka danta guud, gumaadka shacabka, iyo barakicinta dadweynaha danyarta ah,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina, Maxamed Xuseen Rooble ayaa “musiibo qaran” ku tilmaamay wixii maanta ka dhacay Tarabuunka, isla markaana aan marnaba la aqbali karin.

“Ma aha wax laga aamuso in shacabka iyo maatada hub culus lagu beegsado, taas oo ka hor imanaysa bani’aadantinimada, sharciga iyo qiyamka ummadda Soomaaliyeed. Waxaan si adag u cambaareynayaa falalkan gurracan ee dhiigga shacabka lagu daadinayo. Waa waajib degdeg ah in shacabka ku nool Tarabuunka laga kor qaado ciidanka wareerka ku ah.”

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in kuwa geystay falkaas foosha xun la hor keeno sharciga, si caddaalad loo helo, isla markaana laga hortago in mar kale ay dhacaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this