Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog xasaasi ah: Maxaa sababay in Madasha Samatabixinta ay ku sigato burbur?

Recommended Posts

Deeq A.   
Mucaaradka-1.webp

Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeedka ay galabta soo saareen Madasha Samata-bixinta ayaa u muuqday mid is-barbar-dhac kusoo dhamaaday, iyadoo la ogaa in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay madashu ku kala aragti duwanaayeen wadahadalladii ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qaar ka mid ah xubnaha madasha ayaa rabay in wadahadalladu sii socdaan, halka qaar kalena ay ku adkeysanayeen in wadaxaajoodyadii ay Madaxweynaha la lahaayeen uu dhammaaday, intaas kaddibna uusan sii socon karin.

War-murtiyeedka ayaa u muuqda mid siinaya labada dhinacba guul 50–50 ah, maadaama ay caddeeyeen in guddiga wadaxaajoodka uu sii wado hawshiisa wadahadalka, isla markaana ay ku adkeysanayaan in gebi ahaanba dib loogu laabto Dastuurkii KMG ahaa ee 2012.

Mowqifkan mideysan wuxuu u muuqdaa mid cadaadis saaraya Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ay kubadda kusoo celiyeen dhinaca Villa Somalia, iyadoo hadda la sugayo sida Madaxweynuhu u aqbali doono shuruudahan ama uu wajihi doono eedda ah inuu hor istaagayo in xal siyaasadeed la gaaro, xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo ay ku kala tageen labada dowlad-goboleed ee Puntland iyo Jubbaland.

Mucaaradka ayaa ku sigtay inay burburaan oo aysan ka soo saari karin mowqif mideysan wadahadalladii sii socon waayey ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay kula jireen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, kadib markii ay kala shakiyeen.

Xubno ka mid ah xisbiga hoggaamiyaha mucaaradka Sheekh Shariif ayaa sheegay inay ku dhex jiraan siyaasiyiin loo ballan qaaday in lasiinayo kursiga Ra’iisul Wasaaraha, lacag, safiirnimo, iyo madaxweyne dowlad-goboleed. Eedeyntaas ka dhex yeertay mucaaradka ayaa xaqiijisay kala shakigooda.

Ku dhowaad 24 saac ayey ku qaadatay inay war-saxaafadeed kasoo saaraan mowqifkooda wadahadalladii ay kula jireen Madaxweyne Xasan Sheekh, intaasna waxa ay ka doodayeen — sida ay ku sheegeen bayaankooda — maadaama xubno ka mid ah ay doonayeen in wax la xeeriyo.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ka ag dhow mucaaradka, weli wuu jiraa, waana sii xoogeysanayaa kala shakigu, iyadoo siyaasiyiinta madasha qaarkood lagu eedeynayo inay heshiis hoose la galeen Xasan Sheekh si xil ay uga helaan, suurtagalna ay tahay inuu siiyo.

Qaar ka mid ah mucaaradka ayaa dhinac ka ah khilaafka iyo diidmada siyaasadeed ee qorshaha Xasan Sheekh, waxayna mar kasta doorbidayaan in loo tanaasulo ama ay kor u sheegaan in heshiis siyaasadeed ay la geli waayeen Madaxweynaha, taas oo Xasan Sheekh culeys ku ah.

Bayaanka Madasha oo dhameystiran

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ka duulaysa:

  1. Adkaynta midnimada iyo wadajirka dalka, iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay beddelkii dastuurka.
  2. In meel looga soo wada jeesto dagaalka kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimada iyo dowladnimada dalkeenna.
  3. In dowlad-goboleedyada maqan ee Puntland iyo Jubbaland lagu qanciyo inay qayb ka noqdaan wada hadalka qaran.
  4. In heshiis buuxa laga gaaro doorasho toos ah oo daahfuran, lagu heshiiyo, looguna gogol-xaaraayo qof iyo cod, kuna salaysan dastuurkii dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen 2012.

Madashu oo ka bariganataalay qodobada kor ku xusan ayaa wadahadal la furtay Madaxweyne Xasan Sheekh. Shan kulan wadaxaajood oo socday muddo bil iyo bar ah oo labada dhinac dhexmaray, ayuu madashu dalbatay in Madaxweynaha uu ka laabto cutubka afaraad ee dastuurka iyo shuruucdii doorasho ee ka ratibmay, kaas oo dhaxal-wareegay heshiiskii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa Jamhuuriyadda Saddexaad ee dalka, sida:

  • Nidaamka Baarlamaani-ga ah
  • Hannaanka xukun ee Federaalka
  • Awood qaybsiga siyaasadeed
  • Doorashada afar sanadlaha ah
  • Talada geedi-socodka dowlad-dhiska dalka oo wadar-oggol lagu gooyo

Madashu waxay u dhabar adaygtay in wadahallada laga miro dhaliyo, si dalka looga samatabixiyo khilaaf iyo kala qaybsanaan dhaawac ku ah wadajirka iyo midnimada, niyad-jabna ku riday shacabka iyo beesha caalamka, taas oo u adeegaysa cadowga Soomaaliyeed, argagixisaduna ugu horreysay.

Nasiib-darro, lama gaarin heshiiskii ay shacabka Soomaaliyeed rajada gelin lahaa, looga badbaadin lahaa khilaafka, loogana mashquulin lahaa dadaalka looga soo horjeedo argagixisada.

Madashu waxay u aragtaa in uu dalku marayo kala-bayr halis ku ah jiritaanka dowladnimada iyo midnimada dalka.

Haddaba, Madashu waxay ku baaqaysaa:

  1. In dib loogu laabto dastuurkii 2012 ee ay bulshada Soomaaliyeed heshiiska ku ahayd, ee ku salaysnaa nidaamka Baarlamaanka ah, kuna dhisnaa heshiiskii Carta.
  2. In sagaalka bil ee ka harsan muddo-xileedka Madaxweynaha xal laga gaaro doorasho toos ah oo loo dhan yahay, lagu heshiiyo, dalka u hoggaamisa qof iyo cod.
  3. In degdeg loo joojiyo colaadda ay dowladda ka hurinayso dalka, gaar ahaan Gobolka Gedo.
  4. In uu Madaxweynaha hakiyo arrimaha dhulka danta guud ee dhalisay xasillooni darrida.

Ugu dambayn: Madashu waxay caddaynaysaa inay diyaar u tahay wadaxaajood lagu samatabixinayo dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo danta guud, midnimada dalka iyo wadajirka ummadda. Si taas looga miro-dhaliyo, Madashu waxay go’aamisay in guddigii wadaxaajoodka uu sii wado hawshiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this