Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo si yaab leh uga hadashay dagaalkii Tarabuunka iyo qorshaha Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-Axmed-Madoobe.jpg

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa war yaab leh kasoo saartay iska hor-imaadkii maanta ka dhacay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan, iyagoo eedeyn culus dusha ka saaray Madaxweyne Xasan Sheekh, oo Axmed Madoobe ay isku hayaan arrimo siyaasadeed.

Jubbaland waxay Madaxweynaha JFS ku tilmaameen eedeysane, waxayna ku eedeeyeen inuu boobayo dhulkii danta guud ee magaalada Muqdisho muddo saddex sano ah, sida ay hadalkooda ku sheegeen.

Sidoo kale, Jubbaland waxay sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh ay si toos ah ugu dhacdo lacagta ka soo xarooneysa xaraashka dhulka danta guud, isla markaana uu u adeegsanayo burburinta nidaamka federaalka ah, iyagoo shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan ugu baaqay inay “Xasan iska qabtaan.”

Dagaal toos ah ayaa ka dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka uu Axmed Madoobe hoggaamiyo ee Jubbaland, waxayna qoraalkan ku xuseen in dhaqaalaha ka soo xarooday dhulka danta guud uu Xasan ku maalgelinayo dagaalka ka socda Beledxaawo, kaas oo ciidamada Jubbaland looga awood badiyey loogana saaray deegaanka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ay soo saartay Jubbaland:

Dowladda Jubbaland waxay tacsi u diraysaa qoysaska, ehellada iyo qaraabada dhibbanayaasha weerarka maanta lagu qaaday xaafadda Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, oo ah deegaan ay ku nool yihiin kumannaan muwaadiniin ah oo iyadoo aan loo helin dib-u-dejin rasmi ah, taliska eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo inuu si qasab ah ku xaraasho deegaanka ay ku nool yihiin.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa ku baahay guud ahaan magaalada Muqdisho boobka dhulka danta guud, iyadoo si qasab ah dadka looga saarayo guryahooda, isla markaana lacagaha ka soo xarooda xaraashka dhulka ay si toos ah ugu dhacaan jeebka eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ah mid ka baxsan hanaanka maaraynta dhulka danta guud iyo baahida dadka hadda dhulkaas ku nool ay u qabaan.

Dhammaan dhulka danta guud ee taliska eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud uu xaraashay, lacagtii ka soo xarootay waxaa uu u adeegsaday burburinta hanaanka federaalka, sida weerarkii Raaskambooni iyo dagaallada uu hadda ka wado degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Sidoo kale, eedeysanuhu wuxuu lacagtan u adeegsanayaa doorasho boob ah oo aan la isku raacsanayn iyo dano shaqsiyeed.

Dowladda Jubbaland waxay ugu baaqeysaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka Soomaaliyeed inay iska diidaan boobka dhulka danta guud iyo barakicinta dadka shacabka ah, iyadoo dadka aan deegaan ay ku noolaadaan laga barakicinayo guryahooda, isla markaana lacagaha dhulkaas lagu xaraashayo lagaga shaqaynayo burburinta dalka iyo dadka.

IMG_8849.jpegJubbaland ayaa war yaab leh kasoo saartay iska hor-imaadkii huneysnaa ee maanta ka dhacay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan, iyagoo eedeyn culus dusha ka saaray Madaxweyne Xasan Sheekh, oo Axmed Madoobe ay isku hayaan siyaasadda.

Jubbaland, waxay Madaxweynaha JFS ku tilmaameen eedeysane, waxayna ku eedeeyeen inuu boobayo dhulkii danta guud ee magaalada Muqdisho, muddo seddax sano ah, sida ay hadalkooda u dhigeen.

Sidoo kale, Jubbaland waxay sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh ay toos ugu dhaceyso lacagta ka soo xarooneysa xaraashka dhulka danta guud, isla markaana uu u adeegsanayo burburinta nidaamka federaalka ah, iyagoo shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan ugu baaqay inay ‘Xasan iska qabtaan.’

Dagaal toos ah ayaa ka dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka uu Axmed Madoobe hoggaamiyo ee Jubbaland, waxayna qoraalkaan ku xuseen in dhaqaalaha ka soo xarooday dhulka danta guud uu Xasan ku maalgelinayo dagaalka ka socda Beledxaawo, kaas oo ciidamada Jubbaland looga awood badiyey, loogana saaray deegaanka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ay soo saartay Jubaland:

Dowladda Jubaland waxay tacsi u diraysaa qoysaska, ehelka iyo qaraabada dhibbanayaasha weerarka maanta lagu qaaday Xaafadda Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, oo ah deegaan ay ku nool yihiin kumannaan muwaadiniin ah oo iyadoo aan loo helin dib-u-dejin rasmi ah, Taliska eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo inuu si qasab ah ku xaraasho deegaanka ay ku nool yihiin.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaa ku baahay guud ahaan magaalada Muqdisho boobka dhulka danta guud, iyadoo si qasab ah dadka looga saarayo guryahooda, isla markaana lacagaha kasoo xarooda xaraashka dhulka ay si toos ah ugu dhacaan jeebka eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ah mid ka baxsan hanaanka maaraynta dhulka danta guud iyo baahida dadka hadda dhulkaas ku nool ay u qabaan.

Dhammaan dhulka danta guud ee Taliska eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud uu xaraashay, lacagtii kasoo xarootay, waxaa uu u adeegsaday burburinta hanaanka Federaalka, sida weerarkii Raaskambooni iyo dagaallada uu hadda ka wado degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Sidoo kale, eedeysanuhu wuxuu lacagtan u adeegsanayaa doorasho boob ah oo aan la isku raacsanayn iyo dano shaqsiyeed.

Dowladda Jubaland waxay ugu baaqeysaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ay iska diidaan boobka dhulka danta guud iyo barakicinta dadka shacabka ah, iyagoo oo aan deegaan ay ku noolaadaan haysan laga barakicinayo guryahooda, isla markaana lacagaha dhulkaas lagu xaraashayo lagaga shaqaynayo burburinta dalka iyo dadka.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this