Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Puntland oo degmada Shaxda ku gubay 21 hogood dhuxulaysato samaysteen

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250813_073721346.jpg?resize=720

Ciidanka Booliska Puntland oo hawlgal ka fuliyay togga Xeere-dheere oo hoostaga degmada Shaxda ee gobolka Karkaar ayaa gubay ilaa 21 hogood oo dhuxulaysato samaysteen, kuwaasi oo xaaluf ba’an ku hayay degaanka.

Booliska saldhiga degmada Shaxda oo fuliyay hawlgalkan ayaa ku guulaystay in ay burburiyaan guud ahaan wixii hogo ka samaysnaa toggaaasi ee dhuxusha laga gubi jiray, waxaana ay gacanta ku dhigeen dhammaan agabkii ay dhuxulaysatadu isticmaalayeen, si ay degaanka ugu xaalufiyaan.

Taliyaha Booliska gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo warkan soo saaray ayaa sheegay in sidoo kale aysan ku guulaysan soo qabashada eedaysanayaashii dhuxusha degaanka xaalufinayay, balse ay ku raad-joogaan, islamarkaana tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi dooonaan markii la qabto.

“Ciidamada Booliska Gobolka Karkaar gar ahaan Ciidanka Salldhiga Degmada Shaxda  ayaa sameeyay hawl-galo lagu burburinayo hogo dhuxul laga shidayay Togaga Xeere Dheere Waxaan gacanta Lagu dhigay agabkii ay dhuxulaysatadu isticmaalaysay.”

“Ciidamada Booliska Degmada Shaxda ayaa Gubaay Qaarna  Burburiyay ilaa 21 Hogo Halka Ciidamada  ay docdooda ku guleysteen in ay Burburiyaan Tiro kale oo Hogo oo dhuxul ah kadib howlgal ay xoogan oo looga hortagaayo Xaalufka degaanka” ayuu yiri G/sare Xuseen Cali Maxamuud.

“Booliska ayaa Wali kuguda jira Soo qabashada edesanayasha kuwaas oo Ka Baxsaday Booliska Waxana socota Soo qabashadooda si loo horkeeno Sharciga Dowlada Puntland” ayuu taliye Xuseen sii raaciyay warkiisa.

PUNTLAND POST

The post Booliska Puntland oo degmada Shaxda ku gubay 21 hogood dhuxulaysato samaysteen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this