Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Xaaji Warsame oo walaac xooggan ka muujiyay in Al-shabaab Muqdisho qabsadaan

Recommended Posts

Deeq A.   
Cali-Xaajo.png?resize=795%2C652&ssl=1

Cali Xaaji Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta degaannada Puntland ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda siyaasadeed iyo tan Amniga ee guud ahaan Soomaaliya.

Dr. Cali Xaaji oo ka digay khilaafka sii fogaanaya ee dhinacyada Siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay in muranka iyo qalalaasaha aan dhammaadka lahayn ee dalka hareeyay uu god dheer ku ridi karo mustaqbalka Soomaaliya, islamarkaana burbur aan kabasho lahayn ku sababi karo.

Wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay Xaaladda Ammaanka iyo Xasiloonida Koonfurta dalka oo ay ku sii xoogaysanayan kooxaha Argagixisada ah, isagoo ka digay in mileeshiyaadka Al-shabaab qabsan karaan magaalada Muqdisho iyo degmooyinka u dhaw, haddii Xaaladdu sidaasi ku sii socoto.

Halkaan ka daawo Hadalka Cali Xaaji

PUNTLAND POST

The post Cali Xaaji Warsame oo walaac xooggan ka muujiyay in Al-shabaab Muqdisho qabsadaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this