Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka digaysa Cudurka Gawracatada oo dalka ka dillaacay

Recommended Posts

Deeq A.   

23d65af0-778d-11f0-a975-cb151ca452f4.jpg

Cudurka Gowracatada oo billowgii sanadkan dib uga dilaacay Soomaaliya ayey sheegtay wasaarada caafimaadka ee Soomaaliya in ilaa iyo hadda la diwaan geliyay 552 kiis iyadoo ay u geeriyoodeen ilaa iyo 86 qof.

Sahra Ciise Maxamed oo ah madaxa qaybta la socodka cudurrada iyo ka jawaabiddooda waxay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegtay in cudurkan uu dib ugu soo laabtay dalka sanadkii 2023-kii.

“Waa cudur uu dalka mar hore ugu dambeeyay oo ilaa 50 sano ka hor laga ciribtiray, laakiin hadda dib ayuu u soo noqday, kiisaskii ugu horeeyay waxaan helnay 2023-kii bishii July” ayey tiri Sahra Ciise oo intaas ku dartay “Tuulo Xawaadley la dhaho ayaa laga soo sheegay, hooyo Soomaaliyeed oo meeshaas dagganeyd ayaa waxaa ku dhintay afar cunug, markaas laga bilaabo ilaa hadda cudurka dhowr mar ayuu soo noqnoqday, lagana jawaabay”.

Sahra waxay BBC-da u sheegtay in cudurka meelo badan oo dalka ah lagu arkay oo ay ku jirto caasimada Muqdisho.

Meelo badan ayuu cudurka ku faafay waxaana ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir sida Shangaani, Xamarweyne iyo Deyniile”.

Meelaha kale ee Sahra sheegtay waxaa ka mid Gaalkacyo, Garowe, Baydhabo iyo Buurhakaba.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya waxay sheegtay in iyadoo ka shaqeyneysa hay’adda caafimaadka adduunka ay bilowday sidii ay wax uga qaban laheyd cudurka.

“Cudurkan ilaa markii la sheegay in uu dalka dib uga dilaacay, wasaaradda oo kaashaneysa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxay qaadeen tallaboyin ay ka mid yihiin in shaqaalaha caafimaadka ka shaqeynaya la tababaro iyo in wacyigelin la sameeyo”.

Sahra Ciiise waxay sheegtay in ilaa iyo hadda waddanka la keenay dawooyinkii wax looga qaban lahaa cudurka kuwaas oo isbitaalada la geeyay iyadoo dadkana loo sheegay halka ay ka doonan lahaayeen dawada marka ay u baahdaan.

Sahra waxay kula talisay dadweynaha in tallaalka uu muhiim yahay haddii la doonayo in laga hortago cudurka.

“Cudurkan waxaa looga hortagi karaa tallaalka, haddii hooyo kasta ay tallaalka sax u siin laheyd ubadkeeda cudurkan ma dilaaci lahayn” ayey tiri Sahra oo ku adkeysay dadweynaha in ay degdeg tallaal u raadsadaan.

Hadaba muxuu yahay cudurka Gowracatada.

gowracato

Xigashada Sawirka,Getty Images

Cudurka Gowracatada oo afka qalaad lagu yiraahdo (Diphtheria) waa caabuq halis ah kaas oo inta badan saameeya xuubabka sanka iyo cunaha. Cudurka aad ayuu ugu yar yahay dalalka horumaray waxaana lagu sheegay sababta yareysay in ay tahay tallaalka oo si weyn loo qaatay dalalkaas. Balse dalalka uu ku yar yahay tallaalka ayaa la sheegay in uu ku badan yahay cudurka.

Gawracatada waa cudur la daweyn karo balse marka cudurku fido waxaa uu waxyeelo u geysan karaa xubnaha muhiimka sida wadnaha, kelyaha iyo nidaamka neerfaha. Cudurka waa cudur halis ah oo sababi kara geeri gaar ahaan caruurta.

Astaamaha cudurka lagu garto waxay billowdaan 2 ilaa iyo 5 maalmood marka qofka uu qaado cudurka. Astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah dhuunta oo xanuunta bukaanka, qanjirada oo barara, neefta oo ku adkaata qofka ama neef degdeg ah, dheecaan sanka ka yimaada, qandho, qarqaryo iyo daal.

Dadka qaar waxay dareemaan xanuun yar, mana laha astaamo muuqda oo lagu ogaan karo in uu cudurka ku dhacay. Dadka cudurka qaaday balse aan dareemin wax xanuun ah waxaa loo yaqaan waa dadka cudurka gudbiya maxaa yeelay waxay cudurka sii faafin karaan iyagoon xanuunsan.

Waxaa jira nooc Gowracatada ah oo saameysa maqaarka qofka taas oo keenta xanuun iyo barar, waxa ayna la mid tahay caabuqyada kale ee ku dhaca maqaarka.

Inta badan waxaa lagula taliyaa bukaanada ama qofka uga shakiya in ilmahiisa yar uu qaaday cudurka in uu degdeg dhakhaatiirta ula xiriiro.

Dadka cudurka qadaa ee aan laga daweyn waxay qaadsiin karaan Gawracatada dadka kale ee aan tallaalka qaadan.

Marka qofka la daweeyo inta badan wuu ka soo kabsadaa in kastoo si gaabis ah uu qofka u soo caafimaado. Dhimashada Gawracatada waxaa lagu qiyaasaa 5 ilaa iyo 10 boqolkiiba. Dhimashada waxaa la sheegay in ay ku badan tahay carruurta da’doodu ka hooseyso 5 ama dadka ka weyn afartanka sano.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this