Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in ay dileen Horjooge Shabaab ka tirsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in saaka abaare 7:00 subaxnimo howlgal qorsheysan laga fuliyay deegaanka Warta Eey Duure, oo 30 km waqooyi kaga beegan magaalada Xudur, lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Shabaab.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Abuukar Cali ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha sare ee Shabaab, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka Bakool.

Waqtigan, wuxuu Shabaab ugu magacaawnaa madaxa maaliyadda kooxda ee gobolka, sidoo kalena wuxuu ahaa horjoogihii u qaabilsanaa askareynta carruurta yaryar ee si qasab ah loogu daro maleeshiyaadka.

Taliska CXDS wuxuu caddeyay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo bartilmaameed gaar ah lagu qaaday, isla markaana lagu burburiyey shabakad Shabaab ah oo ka howlgeli jirtay deegaankaas.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this