Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay sabab yaab leh oo dib loogu dhigay doorashada maamullada

Recommended Posts

Deeq A.   
Lugatoor.jpg

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo weli khilaaf xooggan uu ka dhexeeyo Dowladda Federaalka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ka hadlay arrintan ayaa eedeymo culus oo la xiriira daaha doorashooinka u jeediyay Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay dib u dhigtay doorashooyinkii maamul-goboleedyada dalka.

Lugatoor ayaa si gaar ah farta ku fiiqay maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, isaga oo xusay in madaxdooda uu ka dhammaaday muddo xileedka, balse ay iska sii joogaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in sababta ay tahay in dowladdu rabto inay iyadu sii joogto sharci la’aan, marka uu ka dhamaado muddo xileedka, sida uu hadalka u dhigay.

“Doorashadii dowlad goboleedayada DFS ayaa ragaadisay, Hirshabeelle oo kaliya ayaa Muddo xileedkeedu ka dhamaan Galmudug iyo Koonfur Galbeed DFS ayaa gacanta ka haysa si cudur daar ugu hesho marka muddo xileedka DFS dhamaado sharci la’aan ku joogto.” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka Puntland.

Eedeyntaan cusub ee kasoo baxday Puntland ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan uu taagan yahay khilaaf culus oo ka taagan hannaanka doorashooyinka, waxaana mar kale maanta dib u furmay wada-hadalladii u socday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka dalka.

Waxaa qorshuhu yahay in maanta labada dhinac ay si toos ah u guda galaan doodda u dhexeysa ee ku aadan is-mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddalka dastuurka KMG ah, kaasi oo labada dhinac ay la tashiyo kasoo sameeyeen kadib markii la isku dhaafi waayay shirarkii hore.

Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha mucaaradka dowladda, haddana ma cadda in isfaham ay labada dhinac ku gaari kadaan shirka maanta, oo si dhow isha loogu hayo.

Shirkan waxaa ka horreeyay saddex shir oo hore oo ay dhinacyadu kaga doodeen arrimaha hortabinta u leh dalka, balse laguma gaarin wax natiijo ah, iyada oo lagu ballamay inay sii socdaan wada-hadallada oo mar kale maanta oo Axad ah dib loo sii amba qaadi doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this