Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka u furmay Xasan iyo mucaaradka + Qodobada la isku hayo

Recommended Posts

Deeq A.   
512697363_1181738060663998_5964900972676

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow xarunta Villa Soomaaliya ka furmay shirkii 4-aad ee loo ballansanaa, una dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka dalka, kaas oo diiradda lagu saarayo marxalada adag ee dalka uu ku jiro iyo khilaafaadka taagan.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa u dhan mucaaradka, waxaana hoggaaminayo Madaxweyne hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyada oo uu qasriga madaxtooyada kusoo dhaweeyay Madaxweynaha, si loo sii amba qaado wada-hadalladii soo socday.

Labada dhinac ayaa weli isku hayo wax ka beddalka dastuurka KMG ah, gaar ahaan qodobkiisa Chapter 4 ee isbeddalka lagu sameeyay iyo hannaanka doorashada 2026.

Sida ogaatay Caasimada Online, Mucaaradka qaar ayaa doonaya in Madaxweynuhu si duuduub ah uga tanaasulo Chapter 4, kadibna dib loogu laabto dastuurkii 2012-ii.

Shirkan kahor siyaasiyiinta mucaaradka ayaa yeeshay kulamo gaar gaar ah oo ay isaga xog wareysteen qodobada ay la shir tagayaan iyo haddii ay waayaan sida ay wax u doonayaan wixii ay sameyn lahaayeen.

Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in maanta labada dhinac ay si toos ah u guda galaan doodda u dhexeysa ee ku aadan is-mari-waaga ka taagan, si xal loogu helo qodobada la’isku hayo, horana loogu sii amba qaado arrimaha hortabinta u leh dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha mucaaradka dowladda, haddana ma cadda in isfaham ay labada dhinac ku gaari kadaan shirka maanta, oo si dhow isha loogu hayo.

Shirkan waxaa ka horreeyay saddex shir oo hore oo ay dhinacyadu kaga doodeen arrimaha hortabinta u leh dalka, balse laguma gaarin wax natiijo ah, iyada oo lagu ballamay inay sii socdaan wada-hadallada oo mar kale maanta oo Axad ah dib loo sii amba qaadi doono.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana khilaafka taagan qayb ka ah maamullada Puntland iyo Jubaland, iyada oo ay uu sii dheer yahay dagaalka Al-Shabaab oo kasii daray, maadaama kooxda ay haatan dagaallo ka wado gobollada Shabeellooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this