Sign in to follow this  
Deeq A.

Furista waddooyinkii xirnaa ee Muqdisho oo la bilaabay + Video

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa xalay fuliyay ballan-qaad culus oo uu horay ugu sameeyay shacabka ku dhaqan gudaha caasimada, kaas oo la xiriiray furitaanka waddooyinka xiran.

Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo tallaabadii ugu horreysay ayaa qaaday ayaa fura waddada muhiimka ah ee gasha Isbitaalka Digfeerm kana timaada dhinaca Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, taas oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha.

Sanado badan kadib oo waddadan la furay ayaa waxaa durbadii soo dhaweeyay shacabka, waxayna u mahadceliyaan guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

“Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaan leeyahay aad ayaan u mahasan tahay waan ka haynaa waddadii koowaad waa noo bilowday waddooyinka ku xiga ee aad muhiimka noogu ahna noo fur” ayuu yiri mid kamid ah dadka shacabka ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale furitaanka waddadan ayaa kaalin wayn ka qaadan kartaa, yareynta ciriiriga iyo jaamka ka jira isgoyska Tarabuunka oo ay ku kulmaan afar jid oo waawaayn, taas oo mararka qaar keenta in jaam badan uu galo Taraboonka, oo ah waddo hal bowlo ah.

Sida qorshuhu yahay waddooyinka kale ayaa iyaguna dhawaan laga qaadi doonaa dhagxaanta, waana qorshe ay si wadajir ah u wadaan gobolka iyo xukuumadda.

“Dhagxaanta waddooyinka yaalla ee aan munaasabka ahayn in laga qaado ayaa loo baahan yahay maalmaha soo socdo waxaa magaaladan ka dhici doona barnaamij ay xukuumadda soo go’aamisay, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha amnigana ay fulinayaan oo ah in waddooyin dhowr ah oo lambar culus ah oo xiran dib loo furi doono” ayuu horay u yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka uu yahay in shacabka loo fududeeyo isku socodka guud ee Muqdisho, maadaama uu haatan soo hagaagay amniga, wax badana laga qabtay.

“Ujeedka waxaa waayay inuu fududaado guud ahaan isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyada oo mar weliba la tixgelinaayo amniga wanaagsan ee caasimada” ayuu sii raaciyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this