Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay saraakiishii ay DF dirtay ku soo arkeen Bariire? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
530263024_1283245360508734_6560383484425

Afgooye (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdi culus oo saraakiil ah u dirtay deegaanka Bariire oo Jimcihii lasoo dhaafay laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib dagaallo todobaadyo qaatay oo ka dhacay halkaasi.

Saraakiisha tegay halkaasi ayaa waxaa hoggaaminayo taliyaha ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, waxayna kormeer shaqo ku tageen deegaankan oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada dowadda iyo kuwa dalka Uganda.

Taliyaha ciidanka Dhulka iyo saraakiisha kale ee ciidanka Xoogga dalka ayaa soo arkay jabka culus ee loo gaystay kooxaha Khawaarijta, waxaana lasoo tusay khasaaraha laga gaarsiiyay hubka laga soo furtay iyo maxaabiista laga qabsaday koxoda,

Sidoo kale inta uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa booqday gododkii iyo xarumihii maleeshiyaadka Khawaarijta laga saaray, halkaas oo lagu arkayay meydad badan oo cadawga ah oo weli daadsan goobihii lagu dagaalamay iyo burbur ka muuqda goobta.

Intaas kadib taliyaha guutada 17-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka, Gaashaanle Cali Cageey, ayaa Sahal ugu warbixiyay xaaladda amniga iyo sida ay ciidanku u xaqiijiyeen xasilloonida deegaanka, kadib markii ay dagaal uga saareen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dhankiisa Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa bogaadiyay geesinimada iyo howlkarnimada Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda UPDF ee qeybta ka ahaa howlgalka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii laba-laabaan dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Dowlada Federaalka ayaa horay u sheegtay in dagaalka Bariire lagu dilay in ka badan 120 ka tirsan Khawaarijta, waxayna baahisay muuqaalka dagaalkii lagu xoreeyay deegaankaasi, kaas oo muujinaya duqeymo tiro beel ah oo lala beegsaday kooxda, iyagoo waayey meel ay u baxsadaan.

Sidoo kale, muuqaalka waxaa laga arkayaa duqeymaha oo toos ugu hoobanaya dhulka howdka ah ee Shabaab-ku ay dhex cararayaan, dowladdu waxay warbixintaan ku sheegtay in Shabaab aysan hal qof ka badbaadin.

Si kastaba, Halka arrin oo Shabaab ay si rasmi ah uga shaleynayaan waa inay jareen Buundadii Bariire, iyagoo ku xasdaya dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, balse ayaga ayaa ciqaab daran kala kulmay, kadib markii ay Jabeen ee hadana ay waayeen waddo ay ku baxsadaan, maadaama ay burburiyeen Buundadii.

530271350_1283245303842073_8775143266941 530248830_1283245713842032_1423114386615 529760973_1283245563842047_7320205168545 529712386_1283245590508711_6282143545550 529687530_1283245350508735_5384624497843 529709029_1283245387175398_8653795104243 530263024_1283245360508734_6560383484425

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this