Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shirka Xasan iyo mucaaradka oo kusoo dhamaaday natiijo la’aan + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
512536947_1181735747330896_4654994586021

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xarunta madaxtooyada Soomaaliya ka qabsoomay shirkii afaraad ee foolka fool ah, una dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka, kaas oo looga hadlay is mariwaaga siyaasadeed uu dhexeeya labada dhinac.

Fadhiga maanta ayaa ka duwanaa kuwii hore, waxaana u dhammaa inta badan xubnaha mucaaradka ee uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, iyadoo toos loo guda-galay ajanedayaasha oo ay ugu muhiimsan yihiin dastuurka iyo doorashada.

Shirka ayaa goordhow lasoo xiray, mana jirto illaa iyo hadda heshiis rasmi ah oo ay dhinacyadu ka gaareen doodda u dhexeysa, waxaana lagu ballamay in fadhi kale la’is kuugu yimaado maalinta Arbacadaha ee soo socota.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kooxda Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weli isku haya cutubka 4-aad ee dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyada oo doodda mucaaradka ay halkeeda taagan tahay, waxayna dalbanayaan in laga laabto wax ka beddalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in xubnaha Madasha Samatabixinta ay Madaxweynaha ka dalbadeen tanaasul dhab ah oo aan leex leexad laheyn, si ay u guuleystaan wada-hadallada, loona soo gabagabeeyo shirarkooda oo daba dheeraaday.

Madaxweyne Xasan ayaa isauna dhankiisa isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha mucaaradka haddana ma jirto ilaa iyo hadda is faham  buuxa oo ay gaareen labada dhinac.

Marka aad eegto sida uu ku socda shirka wuxuu ku billowday jawi wanaagsan, wuuna kusoo dhammaaday iyadoo madaxdu ay wada qadeeyeen, kadibna ay sawirro wada galeen.

Shirkan waxaa ka horreeyay saddex shir oo hore oo ay dhinacyadu kaga doodeen arrimaha hortabinta u leh dalka, balse laguma gaarin wax natiijo ah, iyada oo lagu ballamay inay sii socdaan wada-hadallada oo mar kale hadda lasii iclaamiyay maalinta Arbacada ah.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana khilaafka taagan qayb ka ah maamullada Puntland iyo Jubaland, iyada oo ay uu sii dheer yahay dagaalka Al-Shabaab oo kasii daray, maadaama kooxda ay haatan dagaallo ka wado gobollada Shabeellooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this