Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ciidamadii ugu badnaa isugu gaysay….

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab-Puntland.jpg

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya goboka Bari ayaa sheegaya in ciidamo badan oo dheeraad ah ay Puntland maanta iyo shalay u daabushay furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga buuraha Calmiskaad, si ay u xoojiyaan ciidamadii horay u joogay halkaasi.

Ciidamadan oo ah kuwa cusub ayaa loo daad-gureeyay jiida hore ee dagaalka, waxaana ujeedka uu yahay inay ka qayb-galaan wajigii ugu dambeeyay ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Sida ay ogaata Caasimada Online, guutooyin badan oo ka tirsan ciidanka Puntland ayaa saacadihii ugu dambeeyay gaaray deegaanka Xabley, iyaga oo halkaas ugasii sii dhaqaaqay dhanka goobaha lagu tuhunsan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan dagaalamayaasha Daacish.

Sidoo kale, ciidanka ayaa haatan bilaabay inay ku laabtaan deegaanadii ay dib uga soo baxeen, gaar ahaan aagga Togga Miraale oo ay mar kale kusoo laabteen xubnaha Daacish iyaga oo halkaas ku aasay qaraxyo miino oo dhowaan khasaare uu kasoo gaaray ciidanka Puntland.

Ciidanka ayaa sidoo kale haatan bilaabay inay madaafiic ku garaacaan goobaha la tuhunsan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada maadaama ay ka qoteen godad waawayn.

Kooxda ayaa dhankeeda hadda isku uruursaneysa laba mee loo ay adag tahay inay galaan ciidanka, waana aagga buuraha Xabley iyo Togga Baallade, mana laha wadooyin toos ah oo gaadiidku ku geli karaan ciidanka difaaca Puntland ee howlgallada culus ka wada halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana ujeedka ugu wayn ee Puntland uu yahay inay markaan qaado wajigii ugu dambeeyay ee dagaalka, si gabi ahaan loo soo afjaro Daacish.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this