Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa laga filan karaa Kulanka Maanta ee Villa Somalia iyo Mucaaridka Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   
2025810638903885982198228.jpg?resize=660

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo siyaasiyiinta ku midaysan Madasha mucaaridka ee la baxday Samatabixinta ayaa mar kale maanta ku ballansan Shir ku saabsan Is-marin-waaga siyaasadeed ee ka taagan wax ka beddelkii Dastuurka iyo Arrimaha doorashooyinka soo socda ee 2026.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kulankii kan ka horreeyay, wuxuu ballan qaaday in uu ka laabanayo inta badan wax ka baddalkii dastuurka sida hannaanka lagu dooranayo Madaxweynaha, tirada xisbiyada la furayo, muddo xileedka Madaxweynaha oo sidii hore loo dhaafayo iyo muddo kordhinta maamullada oo laga noqonayo, waxaana uu dalbaday in la siiyo muddo 20 cisho ah oo uu wada-tashi kula noqdo Shuraakadiisa siyaasadeed.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynuhu wadatashiyo la soo sameeyay intii u dhexaysay labada Kulan hoggaanka Xisbigiisa oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale Guddoonka Baarlamanka, balse uusan saaxiibadiisa qaar ka helin wax garawshiyo ah, waxaana haatan ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiya Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo labaduba ka horyimid in laga laabto qorshihii hore.

Qorshaha kale ee u qarsoom Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la sheegayaa in uu yahay in uu maanta mar kale wakhti dheeri ah ka codsado Madasha, si uu wakhti u iibsado, islamarkaana la ciyaaro siyaasad ‘Ila-meerayso’ maadaama uusan hadda ku dhiirran karin ballan-qaadkiisi hore ee ahaa in uu ka laabanayo isbeddelkii uu ku sameeyay Dastuurkii dalka.

PUNTLAND POST

The post Maxaa laga filan karaa Kulanka Maanta ee Villa Somalia iyo Mucaaridka Muqdisho? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this