Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Maamulka Gobolka Banaadir oo qorshe culus ka damacsan Suuq Bacaad

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa haatan wada qorshe culus oo uu ka damacsan yahay suuqii gubtay ee Suuq Bacaad, kaas oo la rabo in cabir horleh lagu sameeyo, sida uu shaaciyay Yaasiin Farey oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Risaala ayaa shaaca ka qaaday in uu la socdo qorshaha maamulka gobolka, isla markaana mar hore lasii qorsheeyay in suuqa la dulmiyo, kadibna la saaro cabir cusub, iyada oo meesha laga saarayo ganacsatada yaryar.

“Iyada oo gobolka u qorheysneyd inay cabiraan dadka deggana ay ka kiciyaan ayaa musiibadaan dhacday oo xaaladda aragtay ayaa ka taagan in suuq Bacaad uu gubto xittaa haddii ay qaddar tahay waxaan aaminsanahay in gobolka Banaadir uu qorshe ka leeyahay” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Haddii qorshe laga lahaa in la cabiro meeshaas, dabna lagu qabtay, haddana guddoomiyaha uu sheegaayo uu leeyahay waa la hagaajinaa waa dareemi karaa meeshaas tuhunka iyo dareenka ka imaan kara”

Yaasiin Farey ayaa sidoo kale sheegay in la rabo in qayb kamid ah suuqa la deegaameeyo, qaybta kalena, laga gado ganacsato waawayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa la rabaa in dadkan laga kiciyo niman ganacsato ah la siiyo, qaybta dambana inay guryo ka dhigaan, qaybta horena inay ka dhigaan moolal oo iyaga ku ganacsadaan” ayuu mar kale yiri Yaasiin Farey.

Duqa Muqdisho ayaa dhawaan sheegay inay ka shaqeyn doonaan dib u dhiska suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu wayn ee dalka, wuxuuna sheegay in loo sameynayo waddooyin.

“Suuqyada marka la habeynayo waxaa muhiim ah in waddooyin waawayn loo sameeyo hadhow haddii lacalla ay dhacdo mushkiladdan oo kale gurmadka deg-degga ah uu kusoo gaari karo inuu Ambalaaska kusoo gaari karo iyo ciidanka amniga” ayuu yiri Muungaab.

Doodda ka taagan suuqyada Siinaay iyo Suuq Bacaad ayaa muddo soo taagneyd, waxaana haatan lagu kala baxay Siinaay, iyada oo kadibna uu gubtay Suuq Bacaad, waxaana haatan walaac muujinayo ganacsatadii ku hanti beeshay suuqaas oo inta badan gubtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this